Doorka Barlamanka, Dareenka Wadani iyo Dadalka Kulmiye, Isu Dabar la'a "...W/Q Cabdale Gaaxnuug

0
Saturday October 19, 2019 - 17:33:02 in Articles by
  • Visits: 1774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorka Barlamanka, Dareenka Wadani iyo Dadalka Kulmiye, Isu Dabar la'a "...W/Q Cabdale Gaaxnuug

    Doorka Barlamanka, Dareenka Wadani iyo Dadalka Kulmiye, Isu Dabar la'a "...W/Q Cabdale Gaaxnuug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doorka Barlamanka, Dareenka Wadani iyo Dadalka Kulmiye, Isu Dabar la'a "...W/Q Cabdale Gaaxnuug


doorashooyinku waa u muhiim, geedi socodka dimoqraadiyada iyo nabada dalka, inay dhex dhexaad ka noqdan. Ujeeddadoodu waa in la siiyo muwaadiniinta fursad, ay si xor ah ugu doortaan hoggaamiyeyaashooda siyaasadeed, oo ay awoodda ugu qaybiyaan si waadixa ah.




Si kastaba ha noqotee, xiisadaha salka ku haya, bulshada dhexdeeda iyo tartan saamiga culus leh, ayaa sidoo kale ka dhalan karan, doorasho rabshad iyo khiyaano leh. Iyada oo ku saleysan bilawga, khilaafadka xagga xubnaha dhexdhexaadka ah, oo wiiqaya horumarka iyo dimoqraadiyadda, ayaa waxa astaan u ah waddamada ku-meel-gaarnimada dimuqraadiyadda haysta, sidii ay wax uga qaban lahaayeen caqabadda caadada soo xulida xubnaha iyo doorashadaba muran joogta ah ka yimaadan.


Xaladaha murugsan ee fikradaha khilaafaadka hubeysnanta dadban, qalalaasaha siyaasadeed iyo kacdoonada bulshada, intuba waxay ragaadinayaan susunkii xil wareegtada ahaa, ee doorashada, waxayna khatar weyn ku noqon karaan amniga iyo deganaanshaha Somaliland.


Dalalkii hore ula daala-dhici jiray qaxarka, iska hor-imaadka iyo dib u dhacyada doorashada, waxa ku caan ahaa qaarka mida qaarada Aasia, kuwaas oo sabanadii la soo dhaafay ka tarjumayeen, soo noqnoqoshada qalalaasaha siyaasadeed, doonista gudi cadalada iyo dib u dhaca doorashada sida (Afghanistan, Bangladesh, Cambodia, Nepal, Pakistan, Philippines, Thailand iyo East Timor ).


Dhamaan wadanadas waqtiyadii , bar bilawga doorasho maamul samaynayeen ee la soo dhaafay, waxa hareeyay rabshado Dhibaatooyin laga dhaxlay, oo aan si toos ah uga imanayn doorashooyinka, laakiin wax yaale kale wehelinayeen, kana tarjumayeenn burburka geedi socodka siyaasadeed.


Hadaba doorka Xusbiga wadani ka taagan yahay xulista xubnaha komishanka ee xukumada, sababtayna hakinta xubinta wadani, waa mid ka mid ah muran hor leh oo ku talo gala, halkii Wadanina dhaaftay haseyeeshee Baarlamaanka waxa looga baahan yahay, inay doorkoodi muhiimka ahaa ciyaaraan, oo badbaadiyaan horumarinta dimoqraadiyadda iyo kala dambaynta dowlad wanaaga, ee barlamanku gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kana mid hawl maalmoodkooda awood matalaada shacabka, ee u kala saarayaan marxaladaha muranka, burburka dhalin kara ka hor tagaan balse aanay noqon wadamada leh, baarlamanka boqortooyada dimoqraadiyada dastuuriga shabaha( Monarchy Constitutionalism), halkaas oo boqortoyadu ay tahay madaxa dowlada, xubin awood lehna ka tahay barlamanka, oo hirgalisana awaamirta ay ku soo rogto barlamanka wadanka sida fasixid, sharci samayn, kala dirid IWM, sida (United Kingdom, Denmark, Sweden iyo Jabaan).


Haddaba hadii ay yihiin kuwo sharciga ilaalinaya, oo danaynaya dareenka shacabka iyo baaqyada calamkaba, waxay ka soo saari doonan xaalad samata bixina, oo lagu kala dawoobo arinta gurxanka badan ee kamishanka, waana ta wadada u xaaraysa xooriyada doorashada iyo kobcinta midnimada wadanka. Sidaas darteed, ku tiirsanaanta waajibaadka gudashadiisu waxay dhiirrigelinaysa sumcada, maamuska, xil gudashada, kalsoonida dadka iyo adkaynta nabadda.


Gunaanadkii hadalku waa doorka barlamanka, dareenka wadani iyo dadaalka kulmiye, isu dabar la'a !!!

CABDALE GAXNUG.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...