Dawlada Turkiga Oo Dhisme Casri Ah U Dhistay Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Xildhibaanada Oo Fadhigii Ugu Horeeyey Ku Yeeshay

0
Saturday October 19, 2019 - 17:30:07 in News by
  • Visits: 4344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Turkiga Oo Dhisme Casri Ah U Dhistay Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Xildhibaanada Oo Fadhigii Ugu Horeeyey Ku Yeeshay

    Dawlada Turkiga Oo Dhisme Casri Ah U Dhistay Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Xildhibaanada Oo Fadhigii Ugu Horeeyey Ku Yeeshay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Turkiga Oo Dhisme Casri Ah U Dhistay Golaha Shacabka Soomaaliya Iyo Xildhibaanada Oo Fadhigii Ugu Horeeyey Ku Yeeshay

 


Muqdisho(HWN):-Dawlada Turkiga ayaa dhisme casri ah u hirgelisay xildhibaanada golaha shacabka dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Dhismahan oo mudooyinkii ugu dambeeyey socday ayey xildhibaanada golaha shacabku ay ku yeesheen fadhigoodii ugu horeeyey, iyada oo dhawaana si rasmi ah xadhiga looga jari doono.





Dhismahan cusub oo ku dhax yaala xarunta Villa Hargeysa ayaa loo dhisay qaab casri ah oo ka duwan dhismaha xaruntii hore ee Golaha Shacabka.


Ajendaha kulanka ayaa ahaa hadal jeedinta Guddoomiyaha golaha shacabka iyo akhrinta 1aad ee heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeye ilaalinta hidda dhaqameedka iyo midka dabiiciga.




Xildhibaannada Qaar ayaa dhaliilay ajandaha kulanka oo ay ku sheegeen in uu ahaa mid baalmarsan wacyaga uu dalku ku sugan yahay, loona baahnaa in Baarlamaanku ka dooddo xaalada cakiran Amni, siyaasad iyo xiriirka aan wanaagsaneyn Dowladda Dhexe iyo Dowlad gobolleedyada.



Warbaahinta madaxa-banaan ayeey ku adkaaneysaa in ay ka qeybgalaan wixii hadda ka danbeeyay fadhiyada Baarlamaanka oo ka dhici doona xarunta cusub ee Villa Hargeysa ee gudaha Madaxtooyada Soomaaliya.

Loading...
Loading...