Taariikh-ddii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle iyo Burco-Duurey (Q.3aad Abdi-Shotaly).

0
Saturday October 19, 2019 - 11:27:21 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3876
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikh-ddii Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye Lixle iyo Burco-Duurey (Q.3aad Abdi-Shotaly).

    Ugu dambayn waxa aynu ka hadlaynaa, dagaalkii Burco duurey ee uu Mujaahidku Ku shahiiday,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu dambayn waxa aynu ka hadlaynaa, dagaalkii Burco duurey ee uu Mujaahidku Ku shahiiday,

ee lahayd murugada, taas oo ahayd 17/10/1984-kii,  markii uu shahiidku ( Alleh ha u naxariisto’e) uu weerar ku qaaday ciidamo uu qalab-koodu u dhan yahay, meesha la yidhaaho Burco-Duurey (agagaarka Lebi-sagaalo), halkaas oo markii uu ku dhex dhacay ciidankii deganaa, ay saddex goor isu bedeleen ciidamo Faqash ahi. 

 

Nasiib daro markii cid u soo gurmata la waayey, ciidankaa yar ee uu watay, oo la sheegay in aanay boqol dhamayn, tayo ahaana laga heer sareeyey (dhanka hubka), mudo maalin iyo badh ah (36 saacadood ah) markii dagaalkii socday, gurmadkii afraad qaylo-dhaan dirtay, baa lagu wareegay, oo la isku xayn-daabay ama xeeray, halkaa oo uu marxuumku Illaah denbigiisa ha dhaafo'e, tii Alleh ugu timi, oo uu ku xijaabatay ( muu dhimane wuu inaga qarsoon yahaye). Lixle wuxu ahaa nin rag ka tegay, dagaal yahan ah, wuxu isku rakibay oo dib u habeeyey hubkii S.N.M oo qaar uu ka bedelay dhuunta, wuxuu caan ku ahaa, in uu hubka gacanta cadawga ku jira kala soo baxo, oo weliba ku dilo iyaga, inta uu xoog kaga maroorsado, wuxu ahaa nin aan la quudhayn Illaah ha u naxariisto'e. Isaga iyo intii inaga shahiidayba u soo duceeya, in daayin uu denbi-goodda dhaafo - Aamiin.  Ugu dambayn waxaan ku so xidhay maqaalkan, ummadu waa in ay ogaataa wixii dalkan loo soo maray, iyo in hor-yaal-koodii ku dhamaaday, oo ay kala saaraan, is eryadka xusbayada ay xukunka ku kala doona-yaan, oo kii dalkan iyo dadkan u roon ay doortaan, ka bqaxaan qabyaaladda, uu ina biixi la taagan yahay tolaay-dda iyo qaranimada Somaliland ee guud, isaga ( waa Lixle'e), iyo intii kale ee inoo soo shahiiday-ba, Eebbi abaalkii ay inoo galeen khayrkiisa ha siiyo, ee u duceeya in Casaawa-jelahu denbi wixii ay lahaayeen ka dhaafo, oo janadiisa ka waraabiyo. 

 

Waxaan kaga baxay Rabbi cududaha ha jebiyo cadawga Somaliland, iyo ka khiyaamada kula dhex jiraba, qabiiliis-taha ah (cadaalad xumo ku taageera qabiil-kiisa), ummadda kala gura, kursi doonka aan naf inoo hayn ee magac doonka ah, ka eexda wada ee nin jacaylka ku taageeraaya mid ay si xigaan, xididnimo, qaraabo, reernimo, hunguri doon, dantii maraate iyo wax allaale wixii hantidda ummadu ka bakhtiday, gaarka u leexsaday, doonaaya in uu iskii jeebka ugu rito iyo inta ku garab taagan-ba ( uma jeedo cid gaar ah, ee waa dhamaan ilaa intii dib loo xoreeyey Samliland, wixii ku kacay arimahan iyo weliba kuwa ku kici doona ee soo socdda, nin kaste oo ay saamayso-ba, mid hore, mid jooga iyo mid damabe-ba, kii isku salaxaana isagaa is sheegay.

 

           Ogaysiis,

 

Waxan ka codsanayaa Ummadda Reer Somaliland, meel ay joogaan-ba, cid alaale cidii haysaa, sooyaalkii ama taariikh-ddii Ilaah Naxariis-tiisa ha siiyo'e, Mujaahidkii Weynaa Ee Maxamed Cali, oo ah halkii uu ku shahiiday ( waa haqayo-malaasle'e), Dugsiyaddii uu wax ka bartay, wakhtiyaddii uu bartay aqoonta ciidan, sidda la sheegaayo isaga oo ka mid ahaa Jabhadahii Falstiin, iyo wakhti-yadda uu ka dagaalami jiray, Markuu havahadsa oromadda ka midka ahaa, goortuu ku soo wareegay Jabhaddii S.N.M, goobihii uu weerarka ku qaaday, ee uu ka mid ahaa iyo gaar ahaan marxaladaha isaga loo tiriyo, sidda kuwan sare ee Mujaahid lixle ku cayiman, meeshii uu ku Xijaabtay ee tii alle ugu timi ( waan hayaaye), iyo maalmaha ay goob waliba ahayd, iyo tii uu inaga dhuuntay, iyo maalintii intay ahayd taariikh-du ee uu xijaabtay ( ilaah abaal-kiisa  ha siiyo uu inoo galye).

 

Fiiro-Gaar ah:- Ma jirto cid aanu lacag kaga iibsanaynaa, soo sheegista taariikhahan aan idinka dalbaday, sababta aan u idhi waxa weeye, dad badan oo aan waydiinay Ururinta arimahan Mujaahidiintii waa-weynayd, oo yidhi naga iibsadda, dad-kaas waxan u sheegaynaa, in ay tahay Mutadawacnimo, oo lumin Taariikhaha aadka u xasuusta lihi sida tan mujaahid Lixle. Waxa kale oo aanu ka wadda hadalay, isna fahanay Mujaahid Axmed Mire, oo imika ku sugan London,is lana falan-qaynay arimaha mujaahid-nimadiisa, isaga oo ah mujaahidkii watay ciidankii galay Burco 27/05/1988kii. illaa Ceerigaabona, iyo meel kasta oo Somaliland ahba, ku dabar gooyey Faqshtii, ilko raarane, Waxan sidoo kale, si naxariis leh uga codsanaynaa Mujaahid Dhegaweyne, in uu si degdeg ah, gaar ahaan aniga oo ah Abdirahman Jama Ahmed ( e-mailka hoose)), isaga oo ii soo maraaya, kuna soo hagaaji-naaya sidatan hoos ku qoran:-

 

[email protected]. Waxan rabnaa in aan ka waraysano Taariikh-diisii, waayo waxay ahaayeen labadan mujaahid, raggii hor moodka ka ahaa is miidaamintii 27/05/1988kii ee Burco iyo 30/05/1988 (sadex cisho dabadeed) oo ahayd Hargaysa, markii la isku soo shubay gudahoodda, ee ay fiintu qayladda sare u tuurtay, si aan hadhaw loo doon-doonin, ee iyaka oo xay ah aanu uga qorno xogta ay hayaan, Somaliland Ha noolaato.

 

Wa-bilaahi tawfiiq.

 

* N.B Wixii Aad Muraadaba, Macbuud Kuugu Roonaa!!

Qore:- Abdi-Shotaly     

 

[email protected] 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...