Maanso Jacayla Oo Aan U Tiriyay Wiil Iga Codsaday Inaan Manso U Sameeyo

0
Saturday October 19, 2019 - 11:18:41 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1638
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maanso Jacayla Oo Aan U Tiriyay Wiil Iga Codsaday Inaan Manso U Sameeyo

    Marka hore waxaan salaan u dirayaa shabakada caalamiga oo ay hadhwanaagna ku jirto,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka hore waxaan salaan u dirayaa shabakada caalamiga oo ay hadhwanaagna ku jirto,
anigoona ku salamaya asalamu allaykum.

Waxaan maansadan u sameeyey kadib markii midi iga codsaday inaan u sameeyo maanso jacayla.maansadan oo u  dirayo qof uu jecelyahay dabadeed waxaan ku idhi waar abwaan weyn ma ihiye maad ula tagtid kuwa iga khatarsan,deed wuxuu igu yidhi mayee waar waan ku ogahay inaad maansooyinka aad u taqaano hhh dhoola cadayn ka bacdi waxaan ku idhi qisada iiga dhac isla goobtii uu joogay ayaan maansadii ugu sameeyey akhris .


Ubaxeey waxaad tahay
Mid ani i deeqdoo,
Waxa dumar aduunkiyo
Idilkoodba jooga,
Tii iiga socnayd.
Kalideed arladoo idil,
Midii aan ka eegtee,
Ka ilaashanaayeey.
Sida wada iftiimiyo
Qorrax oo arroor hore,
Ileyskeeda daartoo,
Uunkoo dhan gaadhay
Udgoonkaaga badanee,
Sankeen u rooniyo
Qaabkiyo isteelkiyo
Asluubtaada wacanoo,
Siday ahayd u haystiyo,
Ixtiraam wanaagaad
Axad kaste ku dhaaftaa
Aqligayga ku duxee
Wacadkii agteena
Ubaxeey adkee bal.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...