Xildhibaan Ka Tirsan Wakiilada Oo Ka Hadlay Qorshaha Golahooda Ee Xubnaha Komishanka Ee Doodu Ka Taagantahay
ayaa ka hadlay dooda ka taagan xubnaha uu Madaxweynuhu u soo xulay Komishanka, ee Xisbiyada Mucaaradku diidan yihiin, waxaanu xusay in hadda aanay taagnay meel laga noqdo, balse ay ku xidhan tahay sida uu Golahoodu ka yeelo.
Xildhibaan Siciid Cartan Cismaan,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn
yidhi "Xisbiyada Mucaaradka ee UCID iyo Waddani, laba xubnood ayey soo xuleen,
oo Xisbi kastaaba hal xubin ayuu soo xulay, Guurtiduna laba xubnood ayey soo
xuleen,Madaxweynaha ayaana loo wada gudbiyey, Madaxweynuhuna xubnihiisi ayuu
soo xulay, Golaha Barlamaanka ayaa loo gudbiyey,markaas komishanka la soo xulay
sharci iyo sharci daraba Golahayagu wuxuu ka yeelayo ayaa la arki doonaa, ama
waanu diidi ama waanu ogolaan, oo cod baa lagu kala baxaya, meel laga noqdana
ma jirto, Golahaygu cida aanu diidno waa la soo bedeli doonaa, cida aanu
ansixina waa la aqbali doona, ee hadda Madaxweyne iyo Xisbiyo hawshu uma
taaloā€¯.