Wiilkii Aabihii Ka Wanaagsanaa. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

0
Friday October 18, 2019 - 19:14:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1406
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiilkii Aabihii Ka Wanaagsanaa. W/Q: Barkhad-ladiif Mohamed Omar

    Khudbadii jimcaha masaajid aan ku tukanayey waxa uu ka hadlayey dulmiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khudbadii jimcaha masaajid aan ku tukanayey waxa uu ka hadlayey dulmiga,

iyo in dadka xuni madax wanaagsan aanay helin, hadii dadku wanaagsanaada uu ilaahay madaxdau waafajinayo wanaaga.

 

Waxa uu wadaadku sheegay in qof kasta oo xafiis loo dhiibaa markiiba ku fikiro sideed wax u cuntaa iyo sideed wax u khiyaamaysa, xiitaa shaqaalaha ugu hooseeya ayaa iyaguna khiyaamo ku foogan, tusaale ahaan buu yidhi "ninka wastaadka ah ee guriga ku dhisaya inta indhahaagu arkayaan buu wax wanaajinaya, hadii aanad joogin wuu ku khiyaamaynayaa, sidaas oo kale ayuu qof kasta oo madax ahi khiyaamo ugu jiraan, waxaanay dhamaantoodda qarka u saaran yihiin jidkii Naarta oo qofka madaxda ahi gacantiisa ayuu ku haysta janno iyo naar.

 

Waxa uu sheegay in uu jiray boqor dulmi badan oo ummadda fasahaadiyey, dhiiga ummadda ku noola, dhibaato badan ku hayey, markii uu dhintay waxa xukunkii la wareegay wiilkiisa, wixii uu aabihii xumeeyey oo dhan buu saxay , oo xukun cadaalad ah ku soo rogay, nin wadaad ah oo buug qoreyey wakhtigaasi ayaa sheegay in dadka xun aanay suurogal ahayn inay qof wanaagsan helaan, waxaana laga yaabaa in hogaanka fiican uu cimrigiisu soo gaabto, waayo hadii aanay dadku fiicnayn marna suurogal maaha inay helaan hogaan fiican, sidii bay u dhacday oo hogaamiyihii wanaagsana ee khaladaadkii aabihii dib u saxay waxa uu cimriga xukunkiisa noqday sagaal bilood oo kaliya.

 

Waxaanu wadaadku sheegay in madaxda inay hagaagto ay ka fiican tahay inuu shacabku hagaago,tusaale ahaan qof maanta dalkeena madax ka noqonaya qof kasta wuxu ku dooranaya qabyaalad, isago kii wanaagsna joogo, maadaama oo qofkii wanaagsana ku diidayso qabyaalad suurogal maaha in qof wanaagsan ku soo baxo, balse hadii umaddu isku raacdo qofkee wax inoo qaban kara oo qofka lagu qiimeeyo cadaaladiisa, qofnimadiisa, daacadnimadiisa sifahaasi lagu doortay waxa usoo baxaya hogaankii la rabay.

Bulshada xun waxa lagu imtixaamaa madax xun, xiitaa hadii qof wanaagsan si nasiib leh ugu soo baxo cimriga xukunkiisu wuu gaabtaa waayo may mutaystan qofka wanaagsan waana ganaax alle.

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...