'' Marxuum Obsi & Maalintii Cabdi Yuusuf ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje.

0
Friday October 18, 2019 - 19:08:50 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Marxuum Obsi & Maalintii Cabdi Yuusuf ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje.

    Sanadkii 1988 labadii madaxwayne ee Ethopia iyo Somalia waxay kala saxeexdeen heshiis nabadeed ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanadkii 1988 labadii madaxwayne ee Ethopia iyo Somalia waxay kala saxeexdeen heshiis nabadeed ,

waxaana labada wadan magacaabeen guddi farsamo oo kormeerta xuduudaha, nabadaasina waxay ka bilaabmaysay Bisha April 16 1988 .

 

Hadaba horaantii April ee isla sanadkaas 1988 ayaa Taliyihii Qaybta 26 aad , Gen Moorgan wuxuu isu keenay ciidamadii Gaaska 2aad ee Hargaysa iyo ciidamo kale oo xoojina , waxaanu u akhriyay qudbad la hayo oo duuban , waxaana hadalkiisii ka mid ahaa

 

'' Waxaa loo baxayaa hawl-gal ciidan , oo cadawga laggu soo daba-goosanayo , waxaa lagga yaabaa in aad is tidhaahdaan sawtii nabaddi dhacday , nabadda qudheedda xoogna waa lagu keenaa , markaa cadawga ayaa la raba in hilbo lagala hadho ''

 

Cudada ciidanka maalintaa la dhaqaajiyay waxay dhamayd 86 Baabuur oo nooc walba leh , waxaana la isugu keenay Magaalada Lebi-sagaala oo dhacda xuduudka Ethopia .

 

Moorgan oo ciidanka watay , wuxuu amray habeenimadii 14-april 1988 in ciidankiisu subaxa werar balaadhan ku qaadaan Kaam cabdi yuusuf oo u jirra Lebi-sagaala 15 km .

 

Ciidanka Snm ee jooga Cabdi yuusuf , tiradiisu waxay dhantahay 60 askari sidda ay ii sheegeen rag goob joog ahaa , wax gaadiid ahna looma yaqaano xataa kaaryoone .

 

Qorshihii Kornayl Obsi .

 

Col Obsi oo ahaa taliyaha ciidanka la weerarayaa wuxuu sameeyey farsamo cajiiba , ciidankiisiina wuxuu ka saaray goobtii uu ku jiray , waxaanu u raray dib masaafo waxoogay ah , waxaanu u qaybiyay sadex qaybood .

 

Ciidankii Duulaanka ahaa markii ay goobtii gaadheen waxba way waayeen , cajaladii ay duubayeena waxay ku bilabantay iyagoo leh '' weli waanu soconaa , cidna ma hayno ''.

 

Cabaar markay socdeen ee waxba waayeen , ayaa mar keliya xagga horre xabad kululi kaga bilaabantay , dabeeto waxay damcen in ay kala baxaan , kala bixii ay kala baxeena , labada koone ee bidix iyo midig ayay xabaddi kaga wada bilaabantay isku mar .

 

Meesha oo ahayd kaymo jiq ah iyo firkanax ku dhacay awgeed ciidanki way asqoobeen , waanay kala daateen , taasoo u keentay guuldarro balaadhan .

 

60 nin ciidankii waxay kala hadheen 2 Bay bay , waxa kale oo ay qabteen Kamaradii ay duubeen iyo ninkii duubayay , iyadoo kamaruddu duubtay ilaa soo bixistii Hargaysa iyo Dagaalkii oo dhamaystiran .

 

Ragga dhacdadan iiga waramay waxay ii sheegeen in hadii ay wuxuun ka haysan lahaayeen gaadiid ay maalintaa qabsan lahaayeen hub badan , morgan qudhiisana qaban lahaayeen .

 

Nasiib wanaag maanta cajaladdi way taalaa , waxaanay ku jirtaa Youtube , Gen Mooragan wuu nool yahay , waanu ka sheekayn doonaa kolay dhacdadan mar ay noqotaba .

 

Marxuum C/laahi maanta ayaa laggu aasay Hargaysa , naxariistii janno alle ha siiyo .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...