"SNM Qaybtii Milatariga Ahayd Ayaa Guulaysatay Balse Qaybtii Siyaasadu Wali May Guulaysan"..Xoghayaha Waddani

0
Friday October 18, 2019 - 19:01:58 in News by
  • Visits: 2455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "SNM Qaybtii Milatariga Ahayd Ayaa Guulaysatay Balse Qaybtii Siyaasadu Wali May Guulaysan"..Xoghayaha Waddani

    "SNM Qaybtii Milatariga Ahayd Ayaa Guulaysatay Balse Qaybtii Siyaasadu Wali May Guulaysan"..Xoghayaha Waddani

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"SNM Qaybtii Milatariga Ahayd Ayaa Guulaysatay Balse Qaybtii Siyaasadu Wali May Guulaysan"..Xoghayaha Waddani

 


Hargeysa(HWN):-xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Khadar Xuseen ayaa sheegay inaanu guulaysan garabkii siyaasada ee SNM.


Xoghaye Khadar oo ka hadlayey munaasibad lagu xusayey mujaahidiintii SNM oo ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in garabkii milatariga ee SNM ay guulaysteen maadaama ay dalka xoreeyeen balse waxa uu shuruudo ku xidhay guul uu gaadhi karo garabkii siyaasadu.

Image result for khadar xuseen


Xoghaye Khadar oo ka hadldaya garabyadii SNM ayaa waxa uu yidhi "SNM qaybi milatari ayey ahayd oo ciidan ayey ahayd oo way guulaysatay nidaamkii siyaad Bare ee digtaytarka ahaana way ka adkaatay oo wadankii way timid waanay qabsatay,qaybina Siyaasad ayey ahayd waxaanan isleeyahay qaybtii siyaasada ee SNM wali may guulaysan, Ilaa inta la arkayo ujeedooyinkii SNM loo aas aasay oo la wada gaadhay, ilaa inta aynu arkayno aqoontii oo si fiican loo daryeelay ilaa inta aynu arkayno naafadii SNM oo la daryeelay oo iyaguna aan dhibaataysnayn.”


Xoghaye Khadar Xuseen oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey "Maanta masuuliyiintii SNM ayaa ina xukunta oo madaxweynaheenu SNM ayuu ku abtirsadaa kii hore-na SNM ayuu ku abtirsadaa waana abaal ay shacabka somaliland celinayaan laakiin waxa muhiim ah in SNM aanay inyari ku macaashin ee naafadeedii, aqoonteedii iyo dadkii u soo tabaaloobay la xasuusto oo iyagana la xuso waxna lagu soo celiyo oo guushii SNM ay iyaguna wax ka arkaan oo aanay inyari ku shaqaysan.”

Loading...
Loading...