INA Biixi Mucaaridka iyo Muxaafidkuba Waanay Fahmine Waxey aheyd in ay Sacabka U Tumaan Wax Kasta oo uu Khaldo Markaasuu Shakiyi.Lahaaye.

0
Friday October 18, 2019 - 18:36:52 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1342
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INA Biixi Mucaaridka iyo Muxaafidkuba Waanay Fahmine Waxey aheyd in ay Sacabka U Tumaan Wax Kasta oo uu Khaldo Markaasuu Shakiyi.Lahaaye.

    Soomaalidu hore ayey u Tidhi Ninka Soo Joogso Laga Waayo Soo jiifso.Ayaa u Dambeysa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu hore ayey u Tidhi Ninka Soo Joogso Laga Waayo Soo jiifso.Ayaa u Dambeysa,

Waxaan isweydiin laheyn in Mucaaridka iyo Muxaafidkuba ay ka Waayeen Wadadii Saxda aheyd ee Maamulka islamarkaana, Wax kasta Dariiqada Saxda ah oo Tilmaan iyo Talo Fiican laga Bixiyo in uu ka.Leexiyay Jidkii Somaliland ku soo Caana maashay ee isu Tanaasulka iyo ajiibka iyo Caqiibadaba laheyd taas oo dhaqan ahaan ka.muuqata in uu mar Walba ku jees jeeso oo dhinaca Qalafsan isagu ku Dhaggo kana baydho Shiruucdii iyo Qawaaniintii iyo Dastuurkii iyo Xaal mastuurkii Dhaqanka u ahaa Dalka.iyo Dadkaba.

 

Waxaa muuqata in Talaabo kasta oo kasoo baxda Maamulkiisu ay noqoto mid aan la mahadin oo aan Shacbigu u bogin Xisbigu u Bogin Mucaaridku Waafaqin Muxaafidku.ku Farxin oo midi midi ku taag ah.Soomaalidu Waxey tidhaahdaa 'meyd keebaa u Dambeeyay kaas lasii Sido'.

 

 Hadeynu Xusno talaabadii udambeysay ee Soo Xulista Xubnaha Komishanka Doorashooyinka taas oo aan lawada jeclaysan Muxaafid iyo Mucaarid iyo Rayulcaamka Bulshadaba marka loo eego Xubnaha la diidan yahey iyo Xubinta uu Gudoomiyaha La doonayo oo xataa Kulmiye Saluugsan yahey iyo Dareenka laga bixinayo oo uu isagii Madaxweynaha ahaa haddana meel Walba kaga jees jeesayo, oo aanu laheyn garawshiiyo iyo Garnaqsi Toona Waxaa Cadd in aan Xisbi Weynaha Kulmiye xataa ku Waafaqsaneyn, Xubnahaa Komishanka iyo Xubinta Cabdirashiid Riyo-raac laakiin Waxa inoo cadaatey mudada Laba Sanno ah ee uu Talada dalka.hayay in Talaabo kasta oo Foolxumo iyo Xadgudub iyo Sharci jabin ahba waxa wanaagsaneyd in.loogu Sacab Tumo oo layidhaa addaa Hagaagsan ee ku Soco malaha taas ayuu ku joogsan lahaa oo Shakigii iyo khaakhaayirkii qaaxo uu ka Qaadi lahaa laakiin Wax sheeg iyo Sidii Wanaagsaneyd iyo Tanaasulkii ay dhaggo adeyg iyo Ku Jees jees u Noqdeen oo Wixii umaddu Diido ay Isaga u Wanaagsanaatey waana Sida kaliya ee uu u Fahmey Hogaanminta iyo Siyaasada Dalkaba

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...