Sucuudiga: 35 Qof Oo U Socday Cumrada Oo Shil Ku Dhintay

0
Friday October 18, 2019 - 10:49:02 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga: 35 Qof Oo U Socday Cumrada Oo Shil Ku Dhintay

    35 qof oo ajaanib ah ayaa geeriyooday, afar kalena way dhaawacmeen kadib markii baskii ay saarnaayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

35 qof oo ajaanib ah ayaa geeriyooday, afar kalena way dhaawacmeen kadib markii baskii ay saarnaayeen

uu ku dhacay baabuur kale, meel u dhow magaalada barakaysan ee Medina, sida ay Khamiista sheegtay warbaahinta dowladda Sacuudiga.


Shilkan ayaa dhacay habeenkii Arbacada, sida uu sheegay afhayeenka booliska magaalada Medina, oo ay soo xigatay wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA.



Dadka ku dhintay shilkan ayaa ahaa Carab iyo Asian ka safrayey Medina una socday Makkah, si ay usoo Cumrah gutaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda oo muujisay sawirrada baska oo holcaya.


Wakaaladda wararka SPA ayaa sheegtay in dadka dhaawacmay la geeyey isbitalka Al-Hamna. Mas’uuliyiinta ayaa billaabay baaritaan.


Wargeyska Okaz ee Sacuudiga ayaa sheegay in dhibanayaasha ay ahaayeen ajaanib ku nool Sacuudiga oo soo Cumrah gudanayey.


Barasaabka gobolka Medina, Amiir Faisal bin Salman ayaa tacsi u diray ehellada dhibanayaasha.


Weli lama shaacin dalalka ay u dhasheen dhibanayaasha, balse ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey shilkan.


VOA

Loading...
Loading...