Nin 51 Carruur Iskuul Ah Af Duubtay Ka Dibna Dab Qabadsiiyay
Darawalka oo ah 47 jir Talyaani ah balse asal ahaan ka soo jeeda dalka Senegal ayaa la xiray.
Darawalka ayaa lagu eedeeyay in uu yiri "midkoodna ka badbaadi mahayo"
"Waa mucjiso, masiibo ayayna noqon kartay," ayaa laga soo xigtay in uu yiri Francesco Greco oo dacwad ooge sare ka ah magaalada Milano.
Macallin saarnaa baska ayaa sheegay in ninka laga shakisan yahay oo magaciisa lagu sheegay Ousseynou Sy lagu yaqaanay caro ku saabsan siyaaasadda Talyaaniga ee soogalootiga iyo dadka ku dhinta badda Mediterranean-ka.
"Wuxuu ku dhawaaqayay joojiya dadka ku dhimanaya badda, xasuuq ayaan gaysan doonaa," sida uu sheegay Marco Palmieri oo u hadlay booliiska.
Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ninkan lagu soo oogi doono dacwado ay ka mid yihiin afduub, isku day in uu dad badan laayo, in uu dab shiday iyo in uu ka dhago adaygay in la xiro.
Greco ayaa sheegay in masuuliyiintu ay wali sugayaan eedaymo dacwado argagixisanimo ah oo ninkan ka dhan ah.
Booliiska ayaa ogaa in ninkani uu horay tacaddi u gaystay iyo in uu gaari waday isagoo sakhraansan, sida uu shir jaraa'id ka sheegay Alberto Nobili oo ah madaxa qaybta argagixiso la dagaalanka ee xafiiska dacwad oogaha Milan.
BBC