Maxkamada ICJ Oo Markale Shaacisay Wakhti Cusub Oo La Dhagaysanayo Dacwada Bada Ee Soomaaliya Iyo Kenya
Muqdisho(HWN):-Maxkamada Cadaallada Aduunka ICJ ayaa mar kale dib u dhigtay dhageysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ka dib markii ay dhawaan codsatay Kenya in muddo sanad ah dib loo dhigo dhageysiga Kiiska.

Safiirka Soomaaliya ee Midowgga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay in Makamadu go'aankan qaadatay ka dib markii ay eegtay codsiga dawladda Kenya ay dhawaan gudbisay, waxaana dib loo dhigay dacwada ilaa bisha June ee sanadka 2020ka.
Maxkamadda cadaalada Adduunka ayaa dhexdhexaadisay dalabkii Kenya iyo Aragtida Soomaaliya ee dib udhigista Dacwadda Badda.
Kenya waxay dalbatay in Dacwadda laqaado badhtamaha sannadka 2021 oo ku beegan doorashada Soomaaliya kadib, taasoo Soomaaliyana diiday, inkastoo Soomaaliya ku adkaysatay in dacwadda la qaado wakhtigii loogu talogalay hadana Maxkamadda Cadaalada adduunka ayaa qaadatay go'aankan oo ka duwan doonistii labada dhinacba.
Maxkamada ayaa hore dacwada dib u dhigtay ilaa bisha November, ee la soo dhaafay ka dib markii ay Kenya codsatay in dib loo dhigo, waxaana tallaabadan ay qaaday Maxkamada ay noqoneysaa markii labaad oo dib loo dhigo dhageysiga Dacwadan oo dowladda Soomaaliya ay ka biyo diiday codsigan danbe ee ka yimid Kenya.
Lama oga jawaabta dowladda Soomaaliya ay ka bixin doonto go'aanka ay Maxkamada ka qaadatay dacwadda Badda oo qorshuhu ahaa in dib loo furo 04bisha November ee nagu soo foolka leh.


0 





