Guddida Midnimada Beelaha Dirreed Oo Ka Hadlay Bilada Nabada Aduunka Ee Uu Ku Guulaystay Raysal Wasaaraha Itoobiya

0
Thursday October 17, 2019 - 19:26:11 in News by
  • Visits: 2413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddida Midnimada Beelaha Dirreed Oo Ka Hadlay Bilada Nabada Aduunka Ee Uu Ku Guulaystay Raysal Wasaaraha Itoobiya

    Guddida Midnimada Beelaha Dirreed Oo Ka Hadlay Bilada Nabada Aduunka Ee Uu Ku Guulaystay Raysal Wasaaraha Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Midnimada Beelaha Dirreed Oo Ka Hadlay Bilada Nabada Aduunka Ee Uu Ku Guulaystay Raysal Wasaaraha Itoobiya


Hargeysa(HWN):-Ururka midnimada beelaha Direed ayaa raysal wasaaraha Itoobiya ku hambalyeeyey abaal marinta caalamiga ah ee nabada oo uu ku guulaystay sanadkan 2019.




Warsaxaafadeed ka soo baxay ururka midnimada beelaha Direed oo soo gaadhay Hadhwanaagnews isla markaana uu ku saxeexan yahay gudoomiyaha guddida beelaha Direed ayaa u dhignaa sidan:-


Salaadiinta, Ugaasyada, Boqorada, Cuqaasha, saraakiisha, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, Ganacsatada, Dhalinyarada iyo Haweenka beelweynta Direed ee ku bahoobay golaha iyo Ururka MIDNIMADA Direed, waxay halkan hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi Karin uga soo dirayaan Raysal wasaraha dalka Itoobiya mudane Dr Abiy Ahmed oo ku guulaystay Abaalmarinta caalamiga ah ee Nabada (Nobel Peace Prize 2019).


Mudane Dr Abiy Ahmed waxa uu ku mutaystay Abaalmarintaas sida lagu xusay bayaankii ka soo baxay gudiga Nobel Peace Prize ee dalka Norwey, soo afjaridii colaadii udhexsay dalka Itoobiya iyo Eritrea, isbedlka dhinaca demoqraadiyada, xoriyatul qawlka, siidaynta maxaabiistii uxidhnaa siyaasada iyo weliba heshiisyada nabada ee xukuumadiisu la gashay jabhadihii hubaysnaa.


Hogaanka iyo xubnaha Ururka MIDNIMADA Direed (UMD) waxay sidoo kale u mahadnaqayaan gudiga Nobel Peace Prize-ka dalka Norwey ee u gartay Abaalmarintaas Mudane Dr Abiy Ahmed.


Sidoo kale Ururka MIDNIMADA Direed (UMD) waxay ku hambalyeynayaan Abaalmarintaas dhamaan shacabka iyo Xukuumada dalka Itoobiya.


Ibrahim A. Adan

Gudoomiyaha Ururka MIDNIMADA Direed


Loading...
Loading...