Kurdiyiintu Waa Bulsho Noocee ah? W/Q: Cali Cabdi Coomay
ka hor intii aanu Islaamku gaadhin dhulka haatan la yidhaa Iiraan. Waxaanay ahaayeen qoomiyad reer miyi u badan oo ka tirsanayd boqortooyadaasi, hasayeeshee markii uu Islaamku gaadhay Iiraan ayaa loo beddelay carabi oo ay noqotay KURDI. Haddii aynu dul-istaagno Kurdiyiinta siduu xaalkoodu ahaa taariikhiyan. Kurdiyiinta ayaa lagu sheegaa inay tiro ahaan yihiin inta u dhaxaysa 25 ilaa 35 Milyan oo qof, kuwaasi oo ku nool dhulkii hore loo odhan jiray Mesopotamia oo wakhtigan noqonaysa koonfura bari ee Turkiga, waqooyi bari ee Suuriya, waqooyiga dalka Ciraaq, galbeedka Iiraan iyo waqooyi galbeed ee dalka Armaaniya.
Tirada ugu badani waxa ay ku nooshahay dalka
Turkiga. Sida ay ugu kala nool yihiin dalalkaasi waa: 15 Milyan ayaa ku nool dalka Turkiga, 8 Milyan dalka Iiraan, Suuriya 2
Milyan, 6 Milyan Ciraaq iyo Armaaniya oo ay ku nool yihiin 40,000. Inta soo
hadhay ayaa adduunka intiisa kale ku kala firidhsan. Kurdiyiintu 98% waa dad
Muslimiin Sunni ah, halka 2% ay yihiin Muslimiin Shiico ah. Kurdiyiintu waa
qoomiyada dagaalyahanno ah, sidoo kalena dhulkoodu waa kan ugu hodsan bariga
dhexe, waxaana laga soo saaraa shidaalka ugu badan. Salaaxudiin Al-Ayuubi oo
ahaa geesi ka dhashay qoomiyada Kurdiyiinta waa kii Kufaarta ka xorreeyey Qudus
sannadkii 1187-kii. Waana qoomiyada afraad ee ugu badan dadka dega bariga
dhexe.
Kacdoonnadii Kurdiyiinta
Ku Kaceen.
= Intii u dhaxaysay sannadihii 1915 ilaa 1920
ayey Kurdiyiintu dagaal culus ku qaadeen ciidamadii Ingiriiska ee ku sugnaa
deegaannadooda, waxaana cagta la mariyey ciidamo tiro badan oo Ingiriis ah. Tallaabadaasi
ayaa si weyn uga cadhaysiisay dawladdii Ingiriiska, waxaanu wasiirkii dagaalka
ee Ingiriiska marna ahaa wasiirka Mustacmaraadka ee wakhtigaasi oo la odhan
jiray Sir Winston Churchil ayaa amray in xoog xad-dhaaf ah loo adeegsado
kacdoonka Kurdiyiinta. Ciidamadii Ingiriiska ayaa qaaday duullaan socday 4,800
oo saacadood, waxaana dagaalkaasi lagu xasuuqay boqol kun oo u badan Kurdiyiin
iyo waxoogaa Ciraaqiyiin ah. Inkasta oo markii dambe uu Ingiriisku qirtay inuu
diley 9 kun oo qof oo Kurdiyiin ah.
= Sannadkii 1923-kii Ingiriiska oo ka
aargoosanaya Kurdiyiinta wuxuu qoomiyadoodii u qaybiyey afar waaxood oo kala
ah: Kurdi-Turki, Kurdi-Suuri, Kurdi-Iiraani iyo Kurdi-Ciraaqi iyo
Kurdi-Armaani. Waxa sidoo kale la dhalan-rogay luuqadoodii, oo meesha laga
saaray, waxaanay haatan ku kala hadlaan Turki, Carabi iyo Faarisi.
= Sannadkii 1980-kii ayuu Madaxweynihii Ciraaq
Saddaam Xuseen dagaal ba’an ku qaaday waqooyiga Ciraaq oo ay ku nool yihiin
Kurdiyiintu. Waxaanu ku buufiyey sun gaas ah, waxaana mashaqadaasi ku naf waayey shan kun oo qof oo Kurdiyiin ah, sida
uu baahiyey wargayska The Guardian cadadkii soo baxay 19/04/2003.
Turkiga Iyo Kurdiyiinta
Maadaama oo ay dalka Turkiga ku nool yihiin
tirada ugu badan ee Kurdiyiinta ahi, wuxuu Turkigu wadnaha farta ku hayaa inay
isku xidhmaan Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya ku xoogan iyo Kurdiyiinta Ciraaq oo
ay noqdaan awood meesha ka saarta dawlada Turkiga. Khilaafka u dhexeeya Turkiga
iyo Kurdiyiintu wuxuu soo bilaabmay tan iyo sannadkii 1978-kii, markii ay
samaysmeen ururo ay leeyihiin Kurdiyiintu kuwaasi oo dalbanayey inay helaan
dawlada ka madax bannaan dawlada Turkiga ama ugu yaraan is-maamul hoosaad u
gaar ah.
Hasayeeshee dawladda Turkiga ayaa dalabkaasi
ku gacansaydhay, waxaanay jeelasha ku gurtay ururadii Kurdiyiinta ee waday
dalabka. Intii ka soo hadhay kooxihii jeelasha lagu guray ayaa toos u ficil
qaatay oo samaystay jabhad dagaal la gasha ciidamada Turkiga, kaasi oo ilaa
hadda socda. Jabhada PKK ayaa ugu horraysay oo dagaalka hubeysan bilowday.
Kacdoon ay Kurdiyiintu ka sameeyeen gudaha dalka Turkiga oo soo taxnaa tan iyo
sannadkii 1984 ayey ciidamada Turkigu ku dileen in ka badan afartan kun oo qof
oo Kurdiyiin ah. Hoggaamiyaha jabhada PKK Cabdalla Ojolaan ayaa haatan ku jira
xabsi ay dawladu Turkigu dhigtay sannadiii 1999, isaga oo laga soo qabtay dalka
Kiiniya.
Xaalada haatan ka taagan waqooyiga Suuriya ee
ay ciidamada Turkigu duullaanka ku hayaan ayaa timid ka dib markii ay
xoogaysteen Kurdiyiinta ku dhaqan waqooyiga Suuriya, oo uu Maraykanku hub iyo
tababarba siiyey wakhtigii ay Maraykanka xulufada la ahaayeen ee ay dagaalka
kula jireen ururkii Daacish. Ka dib burburkii Daacish ayuu Turkigu is-tusay
madax la soo kaca Kurdiyiinta waqooyiga Suuriya inuu khatar ku yahay dawlada
Turkiga oo ay dhici karta inay isku xidhmaan Kurdiyiintan dalkiisa ku nool iyo
kuwa Ciraaq ku nooli taasina ay gilgilayso jiritaanka Turkiga. Sidaasi
darteedna uu duullaanka ugu qaaday waqooyiga Suuriya.
Aftidii Kurdistaanta Ciraaq
Sannadkii 2017 dabayaaqadiisii ayey shicibka
Kurdiyiinta Ciraaq afti u dareen waxaanay aftidaasi ku doorteen inay 98%
noqdaan dal ka madax bannaan dalka Ciraaq intiisa kale. Hasayeeshee waxa
ftidaasi ka soo horjeestay dalalka adduunka intiisa badan, marka laga reebo
Ruushka iyo Israa’iil. Kurdistaanta waqooyiga Ciraaq ayaa loo tiriyaa inuu
yahay dalka keliya ee ay leeyihiin Kurdiyiinta adduunka ku nooli.
Cali
Cabdi Coomay
Suxufi,
qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Tixraacyo:
https://www.bbc.com/news/world-middle-east-29702440
https://edition.cnn.com/2014/08/18/world/kurdish-people-fast-facts/index.html
https://www.washingtonpost.com/world/2019/10/11/who-are-kurds-why-is-turkey-attacking-them/
https://thekurdishproject.org/history-and-culture/kurdish-history/
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!