Wax Ka Mid Ah Taariikhdii Axmed Gacayte : Waxa Qoray Cumar Seerbiya
waxaanu ahaa curadka 10 wiil iyo 3 gabdhood uu dhalay Aabbo Muxumed Yuusuf caan ku ahaa magaca Gacayte .
Maalin ka mid ah
dhammaadka sannadkii 1964 ayey weriyayaal ka tirsan idaacadda Radio Hargeysa
waxay booqdeen dugsiga Axmed Gurey ee xaafadda Iftin oo uu Axmed Gacayte ka mid
ahaa ardayda wax ka barata ka dibna waxay ka duubeen codad lagu qiimaynayo
ardayda kuwooda heesi kara si looga dhigo fannaaniin.
Axmed ayaa ka mid
ahaa kuwii codkooda la duubay ka dibna maalin kale ayaa dugsigii la soo booqday
waxaana loo sheegay in Axmed yahay qofka ugu codka fiican ilaa toban arday oo
codkooda la duubay , sidii ayaana idaacadda loo geeyey si heeso looga qabto.
Bilawga sannadkii
1965 ayuu Axmed qaaday heestii koowaad oo ahayd " Ahlan wa sahlan Daahir, Ahlan
wa sahlan deeqa” waxa la qaadayey Marwo Maxamed Cabdi iyo gabadh Shamso Diidan
la odhan jiray oo aan fanka waqti badan ku jirin.
Maalin aabihii
Gacayte oo meel dubnad ku ciyaaraya ayaa idaacadda ka maqlay wiilkiisii oo
heesaya ka dibna taasi waxay sababtay inuu guriga ka eryo madaama aan faham
badan laga qabin waagaas fanka .
Wixii ka dambeeyey
Axmed wuxuu dhexgalay badweyntii heesaha iyo laxamaynta , waxaanu laxameeyey riwaayado
badan sida , Rooble ma runbaa oo ay wada lahaayeen Cabdi Qays iyo Axmed
Saleebaan Bidde , Ninba Timo Xamar oo uu lahaa Meecaad Miigane iyo weliba Boon
Xirsi , Jacayl waakane kaalay oo uu Axmed Saleebaan allifay iyo riwaayado kale
sida Xorriyo oo uu Abwaan Singub allifay .
Axmed Gacayte Yuusuf
dadka fanka u dhuun daloolaa waxay ku tilmaamaan inuu ahaa ninka ugu heeso
laxamaynta badan fanka Soomaalida ee hirgalay , heesaha ay qaadaan fannaaniinta
, Sahra Axmed , Axmed Mooge, Maxamed Axmed Kuluc, Kinsi Xaaji Aadan , Khadra
Daahir , Marwo Maxamed Cabdi , Faadumo Maandeeq , Maxamed Mooge Liibaan , iyo
fannaaniin kale oo ay ka mid ahayd Marwo Cabdi Axmed ayuu laxameeyey oo ay
dheertahay inta uu isagu qaado .
Bandhig faneedyadii u
dambeeyey ee uu Axmed ka qaybqaato waxa ka mid ahaa mid loo bixiyey magaca
saddexda Axmed iyo sannadka cusub oo Tiyaatarka Hargeysa lagu dhigay habeenkii
sannadka cusub ee 1988 waxaana ku wehelinayey Axmed Cali Cigaal iyo Axmed Mooge
Liibaan., wuxuu ahaa nin fikir badan , oo aan hadal badnayn keligii socodna ah,
Cabdi Gacayte oo la
dhashay Axmed yaan kala sheekaystay taariikhda walaalkii wuxuu ii sheegay "
Axmed habeen isaga oo ila jooga ayaan weydiiyey sida uu laxamada u sameeyo ,
markaasi ayuu yidhi " aniga waxaan ka fikiraamarka koowaad in dadka oo dhan ay
kala cod duwanyihiin sida shimbiraha uu Alle abuurayba u kala cod duwanyihiin
markaas qofba laxan ayaa ku habboon , halkaasi ayaan wax ka abaaraa ".
Axmed Gacayte
sannadkii 1988-kii ayaa lagu dilay Hargeysa isaga oo 40 sanno jira waxaana
dilkiisa ka dhashay dood adag oo mararka qaar eedaymo inay ku luglahaayeen ah
loogu jeediyey dad ka tirsan fannaaniintii xilligaas Hargeysa ku sugnayd .
Heesaha uu laxameeyey
Axmed ama uu qaaday maxaad ka taqaan ?
Alle ha janneeyo
Axmed
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!