Labadda Waalid Oo Shaqeeya Waxay Sababtaa Dayac Caruurta Iyo Guriga Ku Yimaadda

0
Thursday October 17, 2019 - 17:14:11 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1420
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Labadda Waalid Oo Shaqeeya Waxay Sababtaa Dayac Caruurta Iyo Guriga Ku Yimaadda

    Akhri waa intaas oo ay ku anfacdaaye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhri waa intaas oo ay ku anfacdaaye

Lamaanayaasha shaqeeya inta badan khilaaf iyo amar kala qaadasho la’aan bay u burburaan, inta aanu burburina catow iyo usoo bandhigidda arrimihiisa gaar ah asxaabtiisa si loola taliyo ayey dantu ku kaliftaa,.

 

Lixda subaxnimo ayey labaduba ka baxayaan gurigii, galabta mar bay soo wada hoyanaan, waayadii hore hablo guryaha ka shaqeeya ayaa la heli jirey imise way yar yihiin oo hablihii guryaha ka shaqayn jireen waxay ka door bidayaan inay meherad ama kolay jaad furato si hawlaheeda u madax banaanaadaan.

 

Taasi waxay keentay in caruurtii dayacmaan oo ay waayaan naxariistii waalidnimo gaar ahaan hooyonimo, waxay ku koraan silic iyo darxumo, caruurta habeenkii xaafadaha wareerisa ama wax dhaca ama wax dila waxay u badan yihiin caruurta ka soo jeeda qoysska ladan, waxaana ugu wacan waxaanay helin tarbiyad wanaagsan oo inta badan hooyada caruurta ka war hayn jirtay balse imika hooyo daalan oo shaqo ku jirta si hoose uma ogaan karto dareenka caruurteeda.

 

Hooyooyinka qaar bay shaqadu u dheer tahay inay wakhti badan ku lumiso tamashle iyo inay asxaabteedda la sheekaysato oo nafteeda ka door bidaa ka caruurtu ku sugan yihiin.

 

Waxa jira hooyooyin badan oo marka shaqada ka soo baxaan dib u baxa oo culayska shaqaddad iskaga soo ridda goobaha lagu caweeyo, waxa jirtay hooyo ka mid ah kuwaas oo markay guriga timaado wax yar markay nasato markiiba waxay u baxaysa asxaabteedii si hoteelada ugu soo caweeyaan, marka ay guriga joogta waxay wehel ka noqotay laptopkeeda ama buug ay akhriyeyso, xiitaa marka guriga joogto wax ay guriga kaga filan tahay ma jirto sida uu ku doodayo odaygeedu.

 

Guriga waxa jooga labadan lamaane, caruurtoodii iyo ninka hooyadi, hadii ay inan waayaan waxa halkii inanta u galaysa oo caruurta u haysa waa hooyadii oo halkii laga nasin lahaa dib u korinaysa caruurtii uu dhalay iyadoo hooyadood guriga joogto.

 

Ninku wuu yaaban yahay, isagu ma nasto oo inta uu joogo isagaba caruurta u dhaama hooyadood, iyadoo maqan oo asxaabteeda ku maqan ayuu guriga yimaada, isagana guriga ka furo xiliyada dambe oo hadii ay usoo horayso waxay timaada tobanka habeenimo.

Astaabtiisii buu kala tashaday marka uu uga waramay dhibaatadda haysta, waxa loo soo jeediyey si dadnimadeeda iyo inay naxariis u jirto loo eego sidan samee, "waar waxad samaysaa marka ay guriga joogta soo qaado masaxaada, kolay hooyada baa ku ogolaanayn oo odhanaysa aniga masaxaya marka isku qabsadaan hadii isku naxdo oo idinka qaado waa qof dhow oo waanno uun u baahan, hadii ay idinku eegtana rajo ma leh iska fasax”ayuu mid tallo ugu soo jeediyey.

 

Sidii buu sameeyey oo hooyadii oo masaxaysa daarada ayuu ka qaaday oo uu yidhi aniga masaxaya, xaaskiisna fadhiga kula jirta computer , markii ay hadalkooda maqashay ayey soo baxday waxayna tidhi xaaskii: waa maxay qayladani

Wiilka hooyadii: aniga masaxaya guriga oo isna wuxuu leeyahay aniga masaxaya anigu ii diidan yahay.

 

Xaaskii: maya ma fiicna khilaafku wax walba waa lagu heshiiya, ee adna maalin masax isna maalin ha masaxo.

Ninku wuxuu sidan u samaynayey tijaabo loo soo dhiibay buu ahaaye, markii uu asxaabtiisa kula noqday siday wax u dhaceen, waxay usoo jeediyeen inuu iska fasaxo, sidii baa qoyskiina ku burburey mar labaadna caruurtii u dayacan tahay.

 

Waa sheeko ka mid ah buuga aan waddo oo ka hadlaya burburka qoysaska soomaalida iyo sababaha keenna.

 

Barkhad-ladiif Mohamed Omar


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...