Hadalka Wasiirka Caddaallada Somaliland Waa Gaf?

0
Thursday October 17, 2019 - 16:18:30 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1598
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hadalka Wasiirka Caddaallada Somaliland Waa Gaf?

    Ugu horeyn waxaa salaamayaa bahda saxaafada ,guud ahaan gaar ahaan, "ascw".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu horeyn waxaa salaamayaa bahda saxaafada ,guud ahaan gaar ahaan, "ascw".

Salaam ka dib waxaan doonayaa in aan ka jawaabo hadal runtii aan siyaasad iyo xigmad iyo aqoon midna laheyn oo ka soo yeedhay Wasiirka Caddaallada somaliland.


Hadalkaasi waxa uu ahaa mid runtii lagu dafirey  waxqabada iyo haybada askartu ugu jirto dal ama ummad,waxaanu ahaa mid lagu gafey geesiyaasha qaran ama dal uu ku joogo ama ku taaganyahey,waxaanu ahaa hadal aan fahansaneyn xilka uu hayo iyo dowladnimada ama maamulka heerka uu Askagrigu u jiro iyo qiimaha uu Askarigu u leeyahey dowladnimada.

Wasiirka waxaa ka muuqatay heerka uu ka joogo dowladnimada ama waxa la yidhaado maamulka ama siyaasada iyo in aanuba fahansaneyn xilkan uu hayaa in askarigu u yahey lafdhab la'aantiina aanu wasiir noqon karin hadaan askari jirin.

Wasiirka hadalka uu yidhi waa mid aad u hooseeya oo runtii gaf ku ah nidaamka dowladnimo .

Aan wasiirka u macneeyo qiimaha Askariga uu yidhi  siyaasada dowlada door kuma laha.

Askarigu waa laguha ay dowladi ku taagantahey amaba hadana ku socoto lugo la'aan la isma taagi karo lamana socon karo.

Askarigu waa fuliyaha sharciga isla markana  waa ilaaliye!
Askarigu waa xooga dal iyo dad ay dad kale ku tixgaliyaan aduunkuna maanta waxa uu u kala baqaa sida ay u kala askar iyo hub badanyahiin?

Dowladi ama xukun ma shaqeeyo ilaa uu  helo askar leh xoog iyo dhaqaale 'aduunka waxaa xukuma dalalka  ugu ciidamada badan  iyo hubka waana laga amar qaataa iyadoo laga baqanaayo awooda uu dalkaasu u leeyahay xaga milatriga.

Hadaba maanta weynu ognahey qiimaha uu Askarigu dalka iyo dowladnimada u leeyahey.
Wasiirkan waxa runtii  qalad ku ah in uu hadalkan ka soo yeedho waxaan meesha taala in aanu xilkan uu hayo garaneyn macnahiisa  kolkaasi waxaan odhan lahaa wasiirow adiga iyo askariga askarigaa kaa qiimo badan siyaasda dalkan iyagaa doorka u weyn ku leh waayo dee hadaaney askari joogin meesha nidaamba kama jireen ee sidaasi u fahan oo hadalkaasi raali galin ka bixi ama is casil.

Waxaan madaxweynaha ugu baaqayaa wasiirkaasi  siyaasada dalka iyo dadkan ayuu  ku gafey ee waa in xilka qaadis lagu sameeyaa waayo maahan mid fahansan shaqada uu hayo.

Qore: Tahir hussein

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...