Wasiirka Warfaafinta Oo Xaflad Qalin Jebineed Ku Shaqaaleysiiyay Wiil Naafo Ah
ayaa shaaciyay in uu si rasmiya wasaaradda uga shaqo gelinayo wiil naafo ah oo ka mid ahaa 35 arday oo shalay ka qalin jebiyay jaamacadda Hargaysa.

Ardayda oo bartay aqoonta saxaafadda ee diploma ayaa wasiirka
warfaafinta Somaliland oo munaasibadda kala qayb-galay ardaydaas ayaa sheegay
inuu qorshaynaayo sidii wiilkaas uga hawl-gali lahaa wasaaradda uu masuulka ka
yahay.
35 arday oo jaamacadda Hargaysa ka qaatay shahaadada
(Professional Certificate Journalism), taas oo ay wadeen mudo sannad ah, ayaa
shalay loo qabtay munaasibad.
35-kaas arday ayay afar la mid ahi hablo yihiin, halka 31-ka
kale ay wiilal yihiin, ayaa gaadhay mid ka mida guulihii ay mudada sugayeen.
Wasiirka wasaaradda warfaafinta Maxamed Muuse Diiriye, isaga oo
shaqo-gelinta wiilkaasi Naafadda ah ka hadlaya waxa uu yidhi "Aad iyo aad ayaad
u mahadsan tihiin waan idin soo dhaweynayaa inkasta oo shaqaalahaygiiba qaar ku
jiraan wiilkaasi weriyaha ah ee Maxamed Haldoor, waxaa uu ka mid noqonayaa
shaqaalahayga”.
Sidoo kale wasiir Maxamed Muuse, waxa uu sheegay in dhismaha
Qaranka Somaliland ay kaalin libaax ka qaadatay warbaahintu. Waxaanu yidhi
"Saxaafadda Somaliland dhismihii Qarankan doorweyn ayay ka soo qaadatay.
Dimoquraadiyada iyo dawladdanimada aynu hadhsaneynana qayb ayay
ka soo qaateen oo waa ay soo dhiseen, aduunku-na dhab ahaantii waa uu inagu
majeerta hawshaa.
Waayo? waxaan aqoonsahay wax yar mooyaane, inta kale in aynu
kaga horayno xoriyadda Warbaahinta.
Khibradda warbaahintu ma aha uun jariirad la qoro, Tv la isa soo
taago, war la akhriyo inta kale-ba mihnadoodba door ayay ku leedahay.
Dhaqaalaha ayay door ku leedahay, degaanka ayay door ku
leedahay, nimankaasi tijaarta ahi iyaga ayaa u baahan weriye isugu soo googooya
wararkooda, xataa mihnadda caafimaadka ayay door ku leedahay, aad iyo aad ayaan
u mahadsan tihiin, waan idin soo dhawaynayaa”.


0 





