Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xaalkiisu Ku Soo Ururay Xadhig Jaah Habawsan...Faallo

0
Wednesday March 20, 2019 - 20:58:36 in News by
  • Visits: 4491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xaalkiisu Ku Soo Ururay Xadhig Jaah Habawsan...Faallo

    Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xaalkiisu Ku Soo Ururay Xadhig Jaah Habawsan...Faallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xaalkiisu Ku Soo Ururay Xadhig Jaah Habawsan...Faallo


Hargeysa(HWN):-Tan iyo wakhtigii uu talada somaliland qabtay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa soo badanayey xadhiga loo gaysanayo muwaadiniinta.


Muwaadiniintan ay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi xabsiga dhigtay oo iskugu jira abwaano, masuuliyiin dawlada ka tirsan iyo dad shacab ah ayaa loo xidhay amuuro kala duwan oo lagu eedeeyey.




Madaxweyne Muuse Biixi ayaa mucaaridad weyn kala kulmay ka dib markii ay xukuumadiisu xabsiga dhigtay abwaano kala duwan kuwaas oo qaarkood loo qabtay ka dib markii ay soo bandhigeen dhaliilo damqay xukuumada oo ay la wadaageen shacabka.


Sidoo kale mudadii uu talada dalka hayey madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa kor u kacay xadhiga dadka shacabka ah, iyada oo mudo yar oo kooban lagu xidhay muwaadiniin siyaabo kala duwan loo eedeeyey kuwaas oo qaarkood shacabka si weyn uga gubtay habka fudud ee xukuumada xabsiyada ugu gurayso.


Talaabooyinka xadhiga ah ee ay dawlada somaliland miciinsatay mudadii uu talada hayey madaxweyne Muuse Biixi ayaa loo arkay kuwo aan sharci ahayn isla markaana dadka lagu cabudhinayo, iyada oo madaxweynahana loo arkay hogaamiye jecel oo ku degdegaya xadhiga muwaadiniinta hadla ee dhaliilaha dawladiisa soo bandhiga.


Abwaan Siciid Maxamuud Gahayr ayaa mar uu ka waramayey sida talaabooyinka xadhigu ay u sii badanayaan waxa uu hadhwanaagnews u sheegay sidan "Xadhiga abwaanadu waxa uu salka ku hayaa ka dib marka hal abuurada qaarkodo muujiyeen oo ku salaysan hanaanka xukuumadu talada u wado, abwaan Daaha Gaas, abwaan Guuleed Yuusuf Axmed, abwaan Cabdiraxmaan Abees, Abwaan Cali Seenyo oo xadka laga celiyey iyo aniga oo lay xidhay markii dembana layska soo daayey.”


Mujaahid Cali Curi oo ka mid ah xisbiga Waddani ayaa talaabooyinka xadhiga ah ee ku wajahan masuuliyiinta gaystay falalka musuq maasuq waxa uu ku macneeeyey qaar aan ku dhacayn meelihii looga baahnaa "Horta xadhigu marna xal ka noqon karo natiijo baadhiseed ka hor, Marka wax la wanaajinayo madaxtooyada ayey muhiim tahay in laga bilaabo la dagaalanka musuq maasuqa iyo baadhistaba, waana in wasaarad kasta la baadhaa oo aan la cafin dadka lagu helo musuqa, meel walba oo hanti umadeed gashayna waa in madaxa la soo gooyaa.”


Mujaahid Cali Curi ayaa intaas raaciyey "Madaxweynuhu wuu ogyahay wasiirada ku sawiran musuq maasuqaee umada boobay guryahana caalamka ka dhistay kuwaasna talaabo haka qaado si dadku ay uga gam’aan wixii ay sameeyeen”ayuu mujaahid Cali Curi oo u waramay Hadhwanaagnews.com.


Marka laysku sooduubo talaabooyinka xadhiga ah ee madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisu miciinsadeen ayaa u muuqda kuwo aan markasta lagu bartilmaameedsan dadka mutaystay balse lagu beegsado dad aanay khusayn arimaha loo gol leeyahay.

Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...