Goloyaashan Caajisay,Taliskanaan Gaadhayn Badhan, Gartood Weeyegadabuursiguna, Gaar Hadduu Shirayo.

0
Thursday October 17, 2019 - 11:51:36 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Goloyaashan Caajisay,Taliskanaan Gaadhayn Badhan, Gartood Weeyegadabuursiguna, Gaar Hadduu Shirayo.

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (ASCWRWB).


SALAAN KADIB WAXAN MID KHAAS AH U SOO DIRAYAA,

BAHDA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA

 

GABAYAA UMAN DHALAN,GARANGAR SOO JOOGSO,

WAX I GUBA HADDI AAN ARKAN,GOLE KA FUULAAYE,

GODOB WAAN NECEBAHAY,AAN GABOOD FALAYO,

GARAADO SALADIIN WAXGARAD,GUUDKA KA CADADAY,

GOLE SOO FADHIISTO WELIBA,GOCASHO BAANAAYE,

GOBOL QUDHI DHAMAANTI,HADDU GEES ISUGUBIIRO,

GARANGARO HADDU SOO XIDHU,TALO ISGAADHSIIYO,

GASHI INUU KA MAQANYAHAY,HADDAY GAADHO UBADKI,

GAMBOOLAYDA DUMARKAN,GAMAYN GEBI AHANTOODE,

GALBEEDKUNA DULQAADBU LAHA,GOGOL DHIG WAAYEEL,

GARASHO IYO AQOON LAGU BIDOON,CIDI KU GAADHAYNE,

GURMAD BAAN KA SUGAYOON LAHAA,BARI HA GAADHEENE,

GEEDKII AY BEEREEN MARNABA,GOOYE FILAN MAAYO,

GUDAHAASE LOO SOO GALAYOO,GULIFKI SOO GAADHYE,

GOOGOYNTA SOMALILAAND,LOO GAMAAN FANAYE,

GUBASHIYO DABKAA OLOLAYEE,XAMAR GABAANEEYEY,

GEESTEENAN IN LAGU DAARO,OO GAAS LA QABADSIIYO,

GADARIYO TURKIGU SIDAY WADAAN,MAYDINAAN GARAN,

GOLOYAASHAN CAAJISAY,TALISKANAAN GAADHAYN BADHAN,

GARTOOD WEEYE GADABUURSIGUNA,GAAR HADDUU SHIRAYO,

GO’AANKOODU GUUBABO IYO GUULBUU DHALAYAAYE,

GUJADUUN KA DAAYIYO,WELIBA GACAN TUGAALAYNTA.

INTAASAAN KU SOO GOYNAYAA,GABAY U YAALKAYGAN.

              ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...