Madaxweyne Erdogan Oo "Xayiray " Hub Niyukleyr Oo Mareykanka U Yaalla Turkiga
Xukuumadda Washington ayaa isku
dayeysa sidii xal diblomaasiyadeed loogu heli lahaa arrintan, xilli Turkiga uu
waqooyiga dalka Suuriya ka wado duulaan uu ku baacsanayo Kurdiyiinta Suuriya.
Bixitaanka ciidammada Mareykanka
ay ka baxeen waqooyiga dalka Suuriya ayaa dhalisay in ciidamada Turkiga iyo
kuwa Ruushka ay ku siqaan goobihii ay heysteen askarta Mareykanka, sidoo kalena
halkaas ay isaga baxaan isbaheysigii Mareykanka uu ku lahaa gobolka -
Kurdiyiinta Suuriya.
Arrintan ayaa waxaa aad u
dhaliilay siyaasiyiin badan oo Mareykan ah, iyagoona xukuumadda Donald Trump ku
eedeeyay inay dhabarka ka toogatay xulafadii ay ku lahaayeen gobolka.
Dowladda Mareykanka ayaa Turkiga
ku boorsisay inay joojiso duulaanka ka dhanka ah Kurdiyiinta, oo haddii ay ka
dhaga adeegtana ay burburin doonta dhaqaalaha Turkiga.
Warar ayaa sheegaya in markii uu
mugdi soo kala dhexgalay xiriirka labada dal ay keentay in Mareykanka uu ka
fikiro waxa laga yeelayo hubka Niyukleyrka ee u yaalla saldhig milateri oo ku
yaalla koonfurta bari ee dalka Turkiga.
Wargeyska The New York Times ee
dalka Mareykanka ayaa kusoo warramay in saraakiil ka tirsan wasaaradaha
arrimaha dibadda iyo tamarta ay maalma kahor ka Shireen waxa laga yeelayo 50-ka
madax ee hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ka yaalla Turkiga iyo qaabka ay ula
soo bixi karaan.
Mid kamid ah saraakiishaas ayaa
wargeyska u sheegay in hubkaas uu xayiray Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab
Teyib Erdogan, waxaana laga cabsi qabaa in hadii Mareykanka uu hubkaas meesha
ka saaro ay ifafaalo u noqon karto gabagabada xiriirka labadan dal ee ka wada
tirsan gaashaan buurta NATO.
Arrintan ayaa timid muddo bil ah
kadib markii dowladda Turkiga ay sheegtay in aanan la aqbali karin in loo diido
inay hub soo iibsato, taas oo ay sheegtay inay ka soo horjeedo heshiiskii hubka
Niyukleyrka ee uu dalkaas galay sanadkii 1980.
Madaxweyne Donald Trump ayaa u
muuqday mid xaqiijiyay hubka Niyukleyrka ee Mareykanka ugu keydsan dalka
Turkiga, taas oo ahayd sir aanan mudo la shaacinin, waxbadanna aanan laga
ogeyn.
Khubara badan waxay aaminsan
yihiin in Mareykanka uu dalka Turkiga ku keydsaday bambooyinka B-61.
Hubkan ayaa la sheegay in uu qeyb
ka yahay istaraatijiyadda gaashaan buurta NATO, in go'aan laga gaarana waxaa la
rumeesan yahay inay u baahan tahay in inta badan 28 dal ee xubnaha ka ah ay
isku raacaan.
Madaxweyne Trump ayaa mar wax
laga weydiiyay bal in uu ka walaacsan yahay hubkan Mareykanka kaga xayiran
Turkiga ayaa waxaa uu sheegay in uusan wax walwal ah qabin.
"Aad ban isugu kalsoonahay,
oo waxaan halkaas ku leenahay saldhig milateri oo ciidamada cirka ah,
saldhigaas oo keliya ayaa meel badan qabsan kara, waa saldhig ciidmaada cirka
oo aad u weyn," sidaas waxaa yiri Trump oo u muuqday in uu xaqiijiyay
hubka Mareykanka uu yaalla Turkiga.
Xubna katirsan Aqalka Kongreska
ee dalka Mareykanka ayaa ku taliyay in hubkaas laga saaro Turkiga oo la geeyo
goob kale.
Mareykanka ayaa sheegay in
Turkiga ay ka wada tirsan yihiin NATO, ayna adag tahay inay dagalamaan, wuxuu
intaa raaciyay in marwalba ay doorbidayaan in waxa taagan xal diblomaasiyadeed
lagu dhameeyo.
Madaxweyne ku xigeenka
Mareykanka, Mike Pompeo iyo xoghayaha arrimaha dibadda ayaa saacadaha soo socda
lagu wadaa inay gaaraan Turkiga, si ay wadahadal ula furan xukuumadda Ankara.