Amar Weyn Oo Diidan In Qof Dambe Iyo Maal Dambe Daad Ku Qaado Somaliland.
Sideed iyo labadan sano markaan arkaayey dad iyo maal iyo gawaadhi uu daadka Berbera iyo Hargeysa
dooxyada u dhexeeya ku qaadaayey, waxaan goaan ku gaadhay markaan eegay ka fiirsaday, ka baaraandegay inaan soo saaro AMARKAN SUURTO GELINAYA INAAN QOF DAMBE KU DHIMAN DAAD.
Og: Madaweynaha
Og: Badhisaabada Saaxil iyo Maroodijeex.
Og: wasiirka Gaadiidadka
Og: madaxda Taraafikada.
Og: Gudoomiyayaasha Dacabudhuq iyo Awbarkhadle iyo tuulooyinka la mida.
Og: Askarta xadhkaha dooxyada qarkooda taagan.
OG: wixii Odoyaal ku lug leh degaanada daadku wax ku qaado.
OG: Ina Fadal waa ninka u daacadsan Madaxda Amar ha ku qaado dhibaatada dooxyada
Intaa soo madaxa oon Amarka ogaysiinayo anigu waan garan waayey caqligu meel uu kaga jiro iyo dawladnimada inaanay fahansanayn. Dawladnimadu waa dad , maal iyo bii'ad ilaalin wax kale maaha intiina doox soo rogmaday oo si joogta ah idiin aafeeya ayaa wax ka qaban la idihiin.
Shacabka dooxa dul joogaa waa caruuroo kale way u soo daawasha tagaan dadkoodu siday dooxa ugu dhimmanayaan. Waxay la midyihiin wixii 6 boqol oo sano Europe ka dhiiri jiray ee xukaamtu libaaxyada dad garoon ugu samayn jireen dadkuna u soo daawasha tegi kieren sida walaalahood libaaxa loo siinayo, imika Madaxda SOMALILAND shacabkii bay DAAD SIINAYAAN OO 28 SANO KU HOR CUNAYA IYADOO AMAR ASKARI DABLE AHI WAXAASOO DHAN BADBAADIN KARO
ANIGU MAANTA LAGA BILAABO WAXAAN AMAR KU BIXIYEY IN MARKASTA OO DAAD SOO ROGMADO DACAR BUDHUQ IYO AW BARKGADLEH IN LABADA DHINAC GAWAADHI ASKARTU KU GUDUBTO OONAY ILLAA 2 SAAC INTA BIYUHU NABADGELAYADA KU SOO NOQONAYAAN AANAY WADADA FURIN . DARAWALIINTANA KU AMRAAN INAY MAGAALADA KU NAGAADAAN OO WAX KA CUNAAN.
ARMARKAA BAY MADAXDII SOMALILAND WELIGEED BIXIN KSRI WEYDAY MAXAA YEELAY CAQLIGIIBAA DOONI LAGA SAARAY OO DADKA DALKABA UMA JEEDAAN EE WAX KALAY KU MAQANYIHIIN.
MARKASTAA OO DHIBAATO GAADIID TIMAADO WAXAY WAX SAARAAN DARAWALIINTA QAYILSAN EE CABSAN EE CID U TALISA WAAYEY.
AMARKAASI HADDUU SOCDO WAXAAN IDIINKA BALLAN QAADAYAA INAAN QOF DAMBE IYO GAADHI DAMBE DAAD QAADIN.
BASHE BUURDHEGEYSTE
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...