Taariikh-ddii Muj. Maxamed Xaashi Diirye Lixle( qaybtii 1aad).
mujahaidkii weynaa ee Maxamed Xaashi Diiriye ( Lixle), kuna furay Tix baroor-diiq ah, oo aan anigu u xasuus tiriyey, baa ay qayb-tani woowaad, ugu horeysaa taariikh nololeedkii uu soo maray Mujaahidku, laga soo bilaabo malcaamad qu'raantii, ilaa iyo maalintii uu inoo shahiiday ee 17/10/1984-kii. Aan kuu bilaabo'e, sidda ay waraysiga igu siisay hooyaddii ( aniga oo ah Abdi shotaly) Ardo Diiriye, oo aan Caasimadda Somaliland, mudo yar horteed intii aanay tii alle ku iman, telefoonka ku waraystay ( Illaah Janadda haka waraabiyo marxuumadda'e), baa warkii aan ka qorey sidan yahay:-
Mujaahidku wuxu ku
dhashay, Go'dda weyn, taariikh-du markay ahayd 1945-kii (Ma garanaayo bay tidhi
maalinta iyo bishii), isaga oo ugu yaraa shan caruur ah, oo ay Ardo Diiriye
Dhashay ( Hooyaddii). wuxu yaraantii ku noolaa Go'dda ( reerku joogay), ilaa
iyo 8 jirkii baa reerku Burco u guurey oo Aabihii Xaashi Diiriye ka shaqayn
jirey, isaga oo ahaa Saajin milateri ah, hal-kaas oo uu ka bilaabay
malcaamaddii ku taalay shacabka Burco. Magaca ( Lixle), wuxu kula baxay, isaga
oo maalin, looxii uu qu'raanka ku dhigan jirey, ay 2 wiil oo yar-yari ka
masaxeen khadkii, iyaka oo qalay-naaya, oo uu ku cusub yahay malcaamadda,
dabeed ay wadda qabteen 6 wiil oo wax isu ahaa, ka dib-na uu intiiba dhulka
dhigay, sidaas awgeed buu ciyaalkii malcaamadu ugu bixiyeen naanaysta ah Lixle.
Dugsiga hoose wuxu ka
bilaabay, kii la odhan jirey Burao Old Elementary School ( Imika waa ka la
yidhaaho togdheer) ee ka dambeeya Dawladda hoose, waxay isku fasal ahaayeen
illaah ha u naxariisto'e, Macalin la odhan jirey Maxamed Cabdi Yare ( oo aniga
macalin iigu ahaa Oodweyne), waxay walaalo ahaayeen Axmed Cabdi yare, oo loo
yaqaano "Cadaawe", oo sanad ka sarayn jirey, imikana degan London, oo
Macalimiintii hore ahaa. Ka dhexe-na wuxu ka galay sheekh, wuxu ka baxay
1959-kii, isaga oo dugsiga sare ka galay Camuud, laakiin markii uu dhamaady
dhismaha Dusiga sheekh ee sare 1960-ggii, buu u soo wareegay, isaga oo ka mid
ahaa, 24-kii arday ee ugu horeeyey, ee gala, lagana keenay Camuud Sare. iyaka
oo ah fasalka labaad ee dugsiga sare ( Form 2). Wuxu dhameeyey dusiga sare
1963-ggii, 1964-kiina wuxu tegay xamar, halkaas oo uu ku biirey ciidamadda (
Milateriga), waxa lagu qaatay xidigle, Waxa loo direy dalka Ruushka su uu
aqoonta ciidanka ugu soo takha-khuso, markuu dalka ku soo noqday-na, wuxu
qaatay xidigtii 2aad, isaga oo ka yimi dalka Ruushka bishii lixaad 1969-kii,
waxana uu ka soo bartay Cilmiga Taangi-yadda iyo baabuurta gaashaaman, wuxu
ahaa nin sidiisaba ad-adag bay hooyaddii tidhi, waxanu ku odhan jirney,
yaraan-tiisii waar ma askari baad tahay, maxaad la gaardi-yeysaa markaad
soconaaya. Illaah ha u naxariisto'e, wuxu ka tegay ubad, Cabdicasiis Maxamed
Xaashi diiriye ( loo yaqaano Lilxle yare), oo hadda ka shaqeeya Garoonka
diyaaradaha Caasimadda Somaliland ee Hargaysa, iyo Bushra Maxamed Xaashi
Diiriye, oo degan dalkan Ingiriiska, Magaaladda Birmingham. Tixdan hoose waxa
tiriyey, Illaah Naxriis-tiisa ha siiyo'e, Cali Xasan Roodhile oo loo yaqaano
Cali Banfas, isaga oo ku hal-qabsanaaya, Geesigan aynu ku jirno Xasuus-tiisa ee
Maxamed Xaashi Diiriye ( Lixle), waxa la yidhaahaa Gargaar, waxana uu leeyahay,
Hadaanan, Hadaanan Lixlaw, Hadaanan gu'ga Maanta, la soo hadhin guusha, ee ku
soo dhawaw waa tane:-
Waxaan
gabay-gayga, guubaabada ciilka,
Barbaarta
gedayda, Katiinadu goysay,
Gubtoon
ladi waayo, inaan garab haysto,
Gariirka ag-tayda, ayaan ka
gartaaye,
Hadaanan
hadaanan, Hadaanan gadoodka,
Lixloow guga maanta, la soo
hadhin guusha,
Waxaan
gabay-gayga, guubaabada ciilka,
Gidaar
igu meersan, God la igu hor-joogo,
Gaadh
la iigu wareejey, Hadaan gacaloowe,
Gaashaan
hidin waayey, Inaan godob-tayda,
Galaydh-kiyo
haadda, gaadh-siiyo fariinta,
Ayaa ila gudboone, in aan
gudin daabto,
Hadaanan hadaanan, hadaanan
gadoodka,
Lixloow guga maanta, l a soo
hadhin guusha,
Waxaan
Gabay-gayga guubaabada ciilka,
Geeraar
iyo maanso, intaan isu geeyo,
Ragaad
garanyso, Intaan u goleeyo,
Garaadka
u buuxsho, Waxaan goconaayo,
Haddaan Gacan-tayda Ku
goosana-yaaye,
Hadaanan
hadaanan, Hadaanan gadoodka,
Lixloow guga maanta, La soo
hadhin guusaha,
Waxaan
gabay-gayga guubaabada ciilka,
Gammaanka
cadhaysan, Gargooska ku naaxsho,
Haddaan guluf-koodda, ku soo
gambi-yaaye,
Hadaanan hadaanan, Hadaanan
gadoodka,
Lixloow guga maanta, La
soo hadhin guusha,
Waxaan
gabay-gayaga, guubaabada ciilka,
Haweenka
galuuban, gidaarada Jeelka,
Dad-koodii
la geeyey, gasiinka la taagan,
Gubtoon
ladi waayo, gudaafka wuxuushtu,
Garuun-kiyo
qoolka, wuxuu ku garaaco,
Wuxuu
dhangad geeshka, Sarmaanta galoolka,
Gabdhaha
ku uleeyo, mid gaydhka ka caaya,
Waxaan
gasariiro, galiilyada saanta,
Gan-kaygu
istaago, Gogaygu dubaaxsho,
Ragaad
garanayso, Haddaan gashi-gaygii,
Ka soo gudayaa-yoon, ka
goosana-yaaye,
Hadaanan hadaanan,
Hadaanan gadoodka,
Lixloow guga maanta, la soo hadhin guusha.
Waxan qaybtan ku soo xaydaamay raggii-raga ahaa
waa taas taariikh-doodiiye, Giriyaale fulayaw, riddii garo sideeddii, hadaad
giirka kicisoo, goolaaftan madhan iyo, Gebgeb baad ku dhurantaa, abid guul ma
hoynine, sidda geesigaa tegay ( Lixle Ihun), gooli-baadhka faqashtii, ku
gumaaday gacan adag, maba gaadhi karay-side, gocor-yahaw gambadda xidhan,
haysku sheegan geesiye, kii googoradda kaa furey, hadda yaad u guuxdaa,
garaw-gaaga iska daaq. Ugu dambayn waxan ku joojiyey, hadaad wax isla haysaan,
sidda Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle), halka aad duqsi kula
dagaalan-teen dadka u cadeeya. Markii Maxamed Cali, Aadan Cade, Kood-buur,
Ahmed Mire, Dheya-weyne-Harawaafi, C/raxmaan Aw cali, cabdillaahi Askari Y ay
Burco,hargeysa, Berbera, Cadaadley ay isku laba rogayeen, Illaah dhamaan haw
naxariisto'e. Xagaad joog-teen markuu Lixle Wacdaraha ka dhigaayey Mandheera
iyo Burco Duurey, Dhega-weyne buurta galay iyo Hargeysa, Axmed mire isku kala
bixinaayey Burco ilaa iyo Xeebta Sanaag iyo bari oo dhan, Rabbi geesi-daas ha
ku siiyo caafimaad ifka ( wixii nool), aakhiro-na intii shihiiday janadda
ha ugu deeqo.
La soco Qaybta 2aad.
* N.B Xuural-Caynta
Magaca leh ( Lixlaw), Midig Eebbe Kuu Geli.
Qore:- Abdi-shotaly,
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!