Sucuudiga Oo Xayiraad ku Soo Rogay Xoolihii Uga Iman Jiray Dalalka Jabuuti Iyo Suudaan

0
Thursday October 17, 2019 - 10:17:38 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sucuudiga Oo Xayiraad ku Soo Rogay Xoolihii Uga Iman Jiray Dalalka Jabuuti Iyo Suudaan

    Berbera (HWN) wasarada Beeraha iyo Xoolah ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa xayiraad Hor leh kusoo rogtay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera (HWN) wasarada Beeraha iyo Xoolah ee dalka Sucuudi Carabiya ayaa xayiraad Hor leh kusoo rogtay

xoolihii ka tagi jiray wadmada Jabuuti iyo Soodaan, Sida Lagu xaqiijiyay Qoraalo wasarada dalkaasi Kasoo baxay.

 

Waxaan dib loo soo celiyay markab xoolo ka qaaday Jabuuti oo siday 900 oo geela iyo 4000 oo Adhi ah.

 

Arinkan aya kusoo beegmaya iyadoo xiligan ay  xoolo tiro badan oo isugu jira geel iyo adhiba  u jiraan macjarada xoolaha  nasiyo ee dalkaasi  halka  xoolo kalena jidka kusii jiraan.

 

Dalka sucuudiga  ayaa ah dalka  loo iibgayan jiray xoolaha  mandaqada bariga afrika  lamana garanayo sababta  mar kaliya afartaa  wadan  xoolahoodii looga joojay  suuqyada dalka sucuudiga.

 

Mid kamida ganacsatada wawayn ee xoolaha ka dhoofin jiray dekada Berbera ee Somaliland   Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen SHIDAAR  oo aanu wax ka waydiinay xaalada  taagan ee xayiraada sucuudiga oo sii baladhatay ayaa yidhi "runtii waa dhib  cusub oo soo korodhay      waayo ganacstada xoolaha  waa ku caqabad tan dhacday  sababtoo ah   markii sucuudigu xayiray  xoolaha uga taga  Berbera       isha furan waxay ahayd  Jabuuti , laakiin waxan rajaynayna ayuu yidhi in illahay lagama quustee  ill kale furanto waliba  rajo wayn ayaanu ka qabnaa  in dhoofka xoolaha ee wadmada Somaliland iyo soomaaliya  cunaqabataynta laga qado oo  sucuudigu dib u furo  suuqiisa xoolaha  la gayn jirayā€¯ ayuu yidhi

 

dalka sucuudiga ayaa  hor u joojiyay xoolihii uga tagi tagi jiray wadamada  Somaliland iyo soomaaliya marka laga reebo xiliga mooshinka xajka oo uu dib u furo labadaii sanno ee u danbaysay

 


Loading...
Loading...