Madaxweynaha Iran Walalkii Oo Xabsiga Loo Taxaabay + Sababta
Qareenka Hossein Fereydoun, oo
aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalkaas, la taliyena u ahaa ayaa sheegay in Hosseni
uu maalin kahor galay xabsiga Evin ee Magaalada Tehran.
Ninkan ayaa lagu helay dembi ah
in uu qaatay "laalush" bishii May ee sanadkan, markii lagu helay
dembigaas na lagu xukumay toddobo sano oo xarig ah.
Hossein Fereydoun, ayaa dib ugu
laabtay maxkamadda, si uu racfaan uga qaato kiiska, waxaana laga yareeyay
xukunka oo lagu soo koobay shan sano.
Hossein ayaa sidoo kale lagu
amray in uu dowladda ku wareejiyo hantidii uu ku iibsaday lacagtii laalushka
ahayd ee la sheegay in uu qaatay, waxaana sidoo kale loo raaciyay ganaax
lacageed oo dhan 310 bilyan oo riyaal, taas oo u dhiganta 2.1 milyan oo doolar.
Fereydoun aya beeniyay in uu wax
dembi ah galay, waxaana dadka taageersan siyaasadaha Madaxweynaha dalkaas oo
ninkan ay walaalo yihiin ay shegeen in arrintan ay ka dambeeyaan dad mayal adag
oo katirsan garsoorka dalka Iran, doonayana inay bahdilaan Madaxweyne Hassan
Rouhani.
Hasayeeshee garsoorka dalkaas oo
ka hadlay arrintan ayaa sheegay in aysan jirin arrimo siyaasadeed oo la xiriira
arrinkan.
Madaxweyne Rouhani ayaa sanadihii
2013 iyo 2017 xiliyadii uu ku guda jiray ololaha doorashada waxaa uu ballan
qaaday in uu la dagaalami doonaa musuqmaasuqa, haatan se waxaa muuqata in
dagaalkaas lagu helay isla walaalkii.
Madaxweynaha Iran ayaa markii uu
dhashay loogu wanqalay Hassan Fereydoun, balse tobanaan sano kahor ayuu
magaciisa badelay oo uu ku badelay Rouhani oo ay micnaheedu tahay ruuxi.
Dalka Iran oo la saaray
cunaqabateyn dhaqaale oo ay kusoo rogtay dowladda Mareykanka ayaa waxaa uu
xifaaltan dhanka awooda ee bariga dhexe uu kala dhaxeeya dalal ay kamid yihiin
Mareykanka iyo Sacuudiga oo ay isku hayaan dagaalka dalka Yemen.
BBC