Madaxwayne Turkiga Oo Ka Noqday Go'aan Hore Uu Ugaadhay Oo Ku Saabsanaa Maraykanka

0
Thursday October 17, 2019 - 09:03:34 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2126
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Turkiga Oo Ka Noqday Go'aan Hore Uu Ugaadhay Oo Ku Saabsanaa Maraykanka

    Mdaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mdaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu la kulmi doono madaxweyne

 ku xigeenka Mareykanka Mike Pence iyo xog hayaha arrimaha dibadda Mike Pompeo, wax yar ka dib markii uu warbaahinta u sheegay inuusan la kulmi doonin saraakiishaas.

Hadalkii uu sida aan ku talagalka ahayn uu u yiri madaxweyne Erdogan ee ahaa in uusan shakhsi ahaan ula kulmi doonin Mike Pence iyo Mike Pompeo marka ay tagaan magaalada Ankara ayaa ahaa hadal u muuqday "bahdil".

Mr Erdogan oo markaas la hadlayay suxufi wareysanayay ayaa sheegay in saraakiisha ka socota Mareykanka ay la kulmi doonaan oo kaliya saraakiisha reer Turki ee ay isku darajada yihiin, halka isaguna uu la kulmi karo madaxweyne Trump oo qura.

Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo si dabacsan uga falceliyay hadalkaas ayaa sheegay in si kastoo ay ahaataba uu tagi doono magaalada Ankara ee caasimadda u ah Turkiga.

Hase ahaatee, xoogaa yar ka dib, agaasimaha waaxda isgaarsiinta ee Turkiga ayaa shaaciyay muuqaal muujinaya Mr Erdogan oo warfidiyeenka u sheegaya inuu la kulmi doono labada sarkaal ee ugu sarreysa wafdiga Mareykanka.

Sidaas awgeed, waxaa iska cad in xurguf diblomaasiyadeed ay ka dhex aloosantay labada dal, balse dalabka Mareykanka xabad joojinta Suuriya ee ay saraakiisha Mareykanku la tagayaan Ankara ayaa wali kasii careysiin doona Mr Erdogan, maadaama uu horayba ugu gacan seyray arrintaas.

 

Erdogan oo wacad ku maray inuusan joojin doonin howlgalka Suuriya

 

Madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku maray in waddankiisu uu sii wadi doono howlgalka milatari ee uu ka billaabay Waqooyiga Suuriya ilaa laga hirgalinayo ujeeddadiisa ah in "aag nabdoon" laga sameeyo halkaas.

Ciidamada milatariga Turkiga oo garab ka helaya maleyshiyaad maxalli ah ayaa billaabay dagaal ay deegaanno u dhow xadka ay la wadaagaan Suuriya uga kicinayaan xoogagga Kurdiyiinta.

Sidey arrintu kusoo gaadhay halkan?

Howlgalka Turkiga, oo billowday isbuucii lasoo dhaafay, ayaa looga gol leeyahay in lagu durjiyo dagaalyahannada Dimuqraaddiyiinta Suuriya ee ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta ee ku sugan deegaannada xadka u dhow.

Turkiga ayaa kooxda SDF u aqoonsan inay tahay urur argagixiso ah.

Mareykanka ayaa kooxdaas ku taageerayay dagaal ay kula jireen ururka la magac baxay dowladda Islaamiga.

Dowladda Turkiga ayaa dooneysa inay halkaas ka sameyso "aag nabdoon" oo la dajiyo dadka qaxootiga ah ee ka cararay colaadda ka socota Suuriya, gaar ahaan kuwa hadda ku sugan gudaha Turkiga.

 

In badan oo ka mid ah dadka qaxootiga ah ayaan ahayn Kurdiyiin, dadka wax dhaliilana waxay sheegayaan inay tallaabadan noqon karto mid saameyneysa qoomiyadda gobolkaas kaligeed dagganeyd, haddii qaxootiga la geeyana laga tiro badan karo.

Tobannaan ruux oo rayid ah ayaa lagu dilay howlgalka ay billaabeen ciidamada Turkiga, halka in ka badan 160,000 oo ruux ay ka barakaceen aaggaas.

BBC

 


Loading...
Loading...