Xukuumada Somaliland Oo Hanjabaad U Dirtay Mulkiilayaasha Hay'addaha Warbaahinta

0
Wednesday October 16, 2019 - 18:51:02 in News by
  • Visits: 2038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Hanjabaad U Dirtay Mulkiilayaasha Hay'addaha Warbaahinta

    Xukuumada Somaliland Oo Hanjabaad U Dirtay Mulkiilayaasha Hay'addaha Warbaahinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Hanjabaad U Dirtay Mulkiilayaasha Hay'addaha Warbaahinta


Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland ayaa hanjabaad u dirtay mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta somaliland.

Image result for wasiirka warfaafinta somaliland


Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlayey munaasibad ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in mulkiilayaasha hay’addaha warbaahinta ay kula xisaabtami doonaan xeerka saxaafada balse aan la xidhi doonin weriyayaasha shaqaalaha ee ka hawl gala hay’addahaasi.


Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo ka hadlaya arimahan ayaa waxa uu yidhi "Qolooyinka mulkiilayaasha warbaahinta gaar ahaan telefishanada waxaan idiin cadaynayaa anagu inta badan inamada shaqaynaya isqabsan mayno balse nimanba mulkiilayaasha ahi waxay dukaano ka dhigteen warbaahintii waxaanan u sheegayaa in cida aanu xeerka isku qabsan doono ay iyaga yihiin balse aanay ahayn inamada shaqaynaya sababta oo ah iyaga ayaa leh hay’addaha warbaahinta oo ninbaa intuu alaab soo iibsaday meel dhigay oo aan cidna ka tala galin kuwa ka shaqeeya iyo qaar kale toona waxba lama laha, nimankaas waanu is huranahay oo xeerka ayaanu isku huranahay.”


Dhinaca kale wasiirka warfaafinta somaliland waxa uu sheegay inay soo dhawaynayaan hay’addaha warbaahinta "Anagu waanu soo barbaarinaynaa saxaafada waanan soo dhawaynaynaa, intaanu aayar u tagnana soo xidhan mayno ee halka aanu u marayno waanu garanaynaa.”

Loading...
Loading...