Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Danjirayaal Ay Soo Magacaabeen Laba Wadan Oo Reer Yurub Ah

0
Wednesday October 16, 2019 - 18:25:17 in News by
  • Visits: 1556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Danjirayaal Ay Soo Magacaabeen Laba Wadan Oo Reer Yurub Ah

    Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Danjirayaal Ay Soo Magacaabeen Laba Wadan Oo Reer Yurub Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Farmaajo Oo Qaabilay Danjirayaal Ay Soo Magacaabeen Laba Wadan Oo Reer Yurub Ah


Muqdisho(HWN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Talyaaniga iyo Swedan ee Soomaaliya.

Image may contain: 2 people, people standing, suit and indoor

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Danjiraha Boqortooyada Sweden Mudane Staffan Tillander oo Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqorka Sweden Mudane Carl XVI Gustaf ayaa tilmaamay dadaalka uu ku bixin doono sare u qaadidda xiriirka labada dal, isaga oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran.


Sidoo kale, Danjiraha cusub ee dalka Talyaaniga Mudane Alberto Vecchi oo warqadahiisa aqoonsi u gudbiyey Madaxweynaha ayaa muujiyey sida uu ugu hanweyn yahay in uu ka mid noqdo bahda diblumaasiyiinta ka hawlgala dalkeenna.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 4 people, people sitting and indoor

Vecchi ayaa Madaxweynaha u gudbiyey dhambaal iyo salaan uu uga siday dhiggiisa dalka Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella, waxa uuna tilmaamay in dalkiisu ay saaxiib dhaw la yihiin shacabka Soomaaliyeed, xiriir soo jireen ahna uu ka dhexeeye labada dal.

Image may contain: 2 people, people sitting and indoor
Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: 2 people, people standing and indoor
Image may contain: 1 person, standing and suit

Dhankiisa, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa danjireyaasha uu warqadaha aqoonsiga ka guddoomay uga warbixiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka ku dhisan iskaashiga iyo wax-wada-qabsiga ee kala dhexeeya dalalka caalamka.

Image may contain: 2 people, people standing and suit
Image may contain: 3 people, people standing and suit

Madaxweyne Farmaajo ayaa Danjireyaasha cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo magacaabay, waxa uuna u sheegay in ay soo dhaweyn wanaagsan kala kulmayaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalkuna ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Loading...
Loading...