Sidee Ciidanku U Qabteen Labadda Agaasime Ee Ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta Ee Saaka Ciidanku Xidheen

0
Wednesday March 20, 2019 - 20:39:27 in News by
  • Visits: 4519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee Ciidanku U Qabteen Labadda Agaasime Ee Ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta Ee Saaka Ciidanku Xidheen

    Sidee Ciidanku U Qabteen Labadda Agaasime Ee Ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta Ee Saaka Ciidanku Xidheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidee Ciidanku U Qabteen Labadda Agaasime Ee Ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta Ee Saaka Ciidanku Xidheen



Hargaysa(HWN)War faah-faahansan ayaa ka soo baxay xadhig ay maanta ciidamadda amaanka booliska somaliland u gaysteen laba masuul oo wasaaradda warfaafinta somaliland xilal waawayn ka hayay waxaana la sheegay in xadhigoodu la xidhiidho xatooyo xoolo dadwayne oo ay sameyeen inta ay xilka hayeen wax is-daba marin madaama oo ay joogaan wasaaradii warfaafinta oo ka mid ah wasaaradda ugu miisaaniyadda badan qaranka.



Toddobaadyadii ugu dambeeyay subax kasta waxa ay hanti dhawrka qaranka somaliland ka wadeen wasaaradda warfaafinta baadhis iyaga oo waraysanayay shaqaalaha waxa ay mushahar u qataan,agaasime waaxeedyadu lacagta ugu jirta waaxdooda miisaaniyadda sida u Maareeyaan iyo waliba lacago badan oo lagu magacaabay in lagu soo iibiyay qalabyo ka xumaaday idaacadda radio hargaysa iyo tvga qaranka oo iyaguna hadda u fadhiya cilado farsamo xaga ay mareen.


Baadhistan waxa kale oo ay dibadda u soo saartay in xogi ku duugan tahay is casilaadda uu ku dhawaaqay agaasimihii guud ee wasaaradda warfaafinta oo markii ay baadhista hanti-dhawrku soo dhawaatay shaaciyay inuu isku casilay sababo caafimaad,waxaana wararka qaar sheegayaan in markii uu ka war helay in birta isagu saran tahay inaanu gurigiisa u hoyo saddexdii cisho ee u dambeeyay madaama oo uu ogaa in ciidanku xidhi doonaan,waxaana taas markhaati ka ah in xalay markii ciidanku gurigiisa galeen ka wayeen balse ay xidheen gabadhiisa oo iyaduna sheegtay in ay tahay umul balse hadda waxa uu ku jiraa xabsiga oo baadhis kala duwan ayaa ku socoto markii uu isagu xabsiga is geeyay.


Dhinaca kale agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda warfaafinta Xasan Maxamed Maxamuud ayaa isagana isaga oo ku jira hawl maalmeedkiisa shaqo waxa ay ciidanku ka xidheen xafiiskiisa markii ay hanti dhawrka qaranku amreen in xabsiga la dhigo,waxaana ay taasi dibadda u soo saartay tuhunadda ay xisbiyadda mucaaradka iyo shacabkuba qabeen oo ku saabsan inuu sameeyay hanti lunsi isaga oo adeegsanaya habab u sahlaya inuu lunsado madaama oo uu yahay agaasimaha lacagta,waxaana wararka qaar sheegayaa inuu hadda ku xidhan yahay xarunta dambi baadhista ee hargaysa.


Xadhiga ay xukuumaddu ku riday masuuliyiinta ka tirsan wasaaradda warfaafinta ayaa tuhunadda ay shacabku qabaan mooyaane aan laga hayn war kale madaama oo maalmihii ugu dambeeyay ay socotay baadhis adag oo lagu hubinayo labadda masuul oo is casilaadda agaasimaha guud shaki ku keentay dalka madaama oo baadhisi ku socotay.


Agaasime xasan ayaa isagu noqonay markii 2aad ee xukuumadihii taladda u kala dambeeyay ay u xidhaan arimo ku saabsan hawlaha musuq-maasuq waxaana ay ka dhul-sugi doonaa talaadda xigta ee labadda masuul mutaystaan iyo in xoriyadooda loo celiyaba,madaama oo somaliland ku caano maashay in markii ba odayaasha dhaqanku hawsha dhameeyaa damiintaana cida Xabsiga ku jirta oo ah caado somaliland dhaqan u leedahay.


Hanti Dhawrka qaranka somaliland oon la xidhiidhay noomuu cadayn inuu isagu bixiyay amarka lagu xidhay balse warar ay heshay hadhwanaagnews ayaa cadaynaya in amarka ay hanti-dhawrku bixiyeen,waxaana wararku intaas ku darayaan in wasiiro kale iyo masuuliyiin lamaaha dawlada ka tirsan loo xidhi dona arimo musuq-maasuq taas oo muujinaysa hadii ay dhacdo in xukuumadda muuse biixi ay ka go’an tahay in lala dagaalamo musuq-maasuqa.


Loading...
Loading...