Madaxweynaha Jubbaland Oo Dalacsiiyey Taliyaha Ciidamada Amaanka Garoonka Kismaayo

0
Wednesday October 16, 2019 - 17:08:51 in News by
  • Visits: 1449
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland Oo Dalacsiiyey Taliyaha Ciidamada Amaanka Garoonka Kismaayo

    Madaxweynaha Jubbaland Oo Dalacsiiyey Taliyaha Ciidamada Amaanka Garoonka Kismaayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Oo Dalacsiiyey Taliyaha Ciidamada Amaanka Garoonka Kismaayo


Kismaayo(HWN):-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa taliyaha amaanka garoonka Kismaayo Maxamed Dhogor kor u qaaday darajada uu ciidanka ku leeyahay.


Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada ayaa darajada Gaashaanle Dhexe loo dalacsiiyey Taliye Sadiiq oo la sheegay in uu siweyn uga shaqeeyay Amaanka Garoonka diyaaradaha tan iyo markii ay bilaawdeen ololihii doorashada maamulka Jubbaland.




Madaxweynen Axmed Madoobe ayaa sheegay in dadaalkiisa iyo kartida uu shaqada u leeyahay ay sababtay dalacsiinta,islamarkaana uu ku boorinayo in shaqada uu sii dardar galiyo.


Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo marka laga soo tago ciidamada Jubbaland ay Amaankiisa gacanta ku hayaan ciidamada ka socda Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa loo diiday in ay ka degaan mas'uuliyiinta ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo musharixiinta qaarkood ee loo arkayay in ay taageero siineyso dowladda Soomaaliya.

 

Loading...
Loading...