16 Qof Oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Gobolka Cafar Ee Ethiopia
islamarkaana qiyaatsii tobaneeyo kale ku dhaawacay xaafad yar oo ku taalla waqooyiga bari ee dalka Ethiopia, sida ay booliska sheegeen Isniintii.
Weerarkan
ayaa qiyaastii 1-dii aroornimo ee sabtidii ka dhacay xaafadda Obno ee degmada
Afambo ee gobolka waqooyiga beri ee Cafar.
Waa
mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee gobolka ka dhaca.
"Rag
hubeysan ayaa ka yimid dhinaca Jabuuti, waxayna fuliyeen dilka” waxaa sidaas
yiri taliye ku xigeenka booliska gobolka Cafar Ahmed Humed oo la hadlay
wakaaladda wararka Reuters.
"Weli
horey uma aynan arag dhacdo sidan u weyn oo shacab badan lagu dilay. Weli waan
baaraynaa cidd ay ahaayeen raggaas.” Ayuu yiri.
Isbital
ku yaalla deegaanka ayaa waxaa la geeyey 28 qof oo dhaawacyo ay kasoo qaareen
qaraxyo iyo rasaas, sida uu madaxa Isbitalka Dubti ee goblka Cafar Mohammed
Hassen u sheegay Reuters.
Haweeney
lagu dhaawacay weerarka ayaa ku weysay seygeeda iyo wiilkeed oo afar bilood
jiray, sida uu sheegay Mohammed.
Ethiopia
ayaa waxaa ka socda isbeddelo siyaasadeed iyo dhaqaale oo uu hormuud ka yahay
ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, oo talada la wareegay 2018, kadib markii saddex
sano oo ay socdeen dibad-baxyo rabashado watay oo ka dhan ahaa dowladda ay
hoggaamiyeen is-casilaadda ra’iisul wasaare Hailemariam Desalegn.
Abiy
oo 43 jir ah ayaa jimcihii ku guuleystay abaal-marinta Nobel, sababo la xiriira
daadalladii nabadeed ee soo afjaray colaaddii Ethiopia muddada fog kala
dhaxeysa dalka Eritrea.
Hase
yeeshee is-beddelada uu billaabay Abiy ayaa sidoo kale dhiiri-geliyey
hoggaamiye goboleedyo awood badan, waxayna sare u qaadeen xiisadihii
qowmiyadaha dalka Ethiopia.
VOA