Madaxweynaha Ruushka Oo Shimbir Hadiyad Uga Dhigay Boqorka Sacuudiga

0
Wednesday October 16, 2019 - 08:47:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ruushka Oo Shimbir Hadiyad Uga Dhigay Boqorka Sacuudiga

    Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa Boqorka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz

 hadiyad ahaan ugu geeyay Shimbir nooceeda uu dhif yahay oo laga helo waddanka Ruushka oo kaliya.



Shimbirtan oo u eg sida gorgorka ayaa lagu magacaabaa Arctic falcon, ama gyrfalcon, waxaana laga helaa gacanka Kamchatka ee ku yaalla bariga fog ee dalka Ruushka.

Waxaa jira kumannaan xabo oo ka mid ah shimbirkan, wuxuuna halis ugu jiraa inuu dabar go'o.

Muuqaal lagu shaaciyay telefishinnada ruushka iyo Sacuudiga iyo qaar ka mid ah baraha bulshada ayaa laga arkayay boqor Salmaan oo u muuqda inuu aad ula dhacsan yahay hadiyadda qeyrul caadiga ah.

Booqashada uu Putin Isniintii ku tagay Sacuudiga ayaa ahayd mid qeyrul caadi ah, waana tii ugu horreysay ee uu halkaas ku gaaro tan iyo sanadkii 2007-dii.

Waxaa la filayaa in hoggaamiyaha Ruushka uu Sacuudiga uga sii gudbo waddanka Isutagga Imaaraadka Carabta, si uu usii xoojiyo xiriirka kala dhaxeeya dalalka bariga dhexe.

Intii kuu ku sugnaa Riyaad Sacuudiga wuxuu madaxda boqortooyada Sacuudiga kala hadlay arrimo badan oo khuseeya cilaaqaadka labada dal iyo wadashaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo ganacsiga saliidda.

Qodobbada uu sida gaar ah ugala hadlay hoggaamiyeyaasha Sacuudiga waxaa ka mid ahaa amniga gobolka, khaasatan cadawtooyada u dhaxeysa Sacuudiga iyo Iiraan, sida ay shaaciyeen qaar ka mid ah warbaahinta carabta.

 

Wakaaladda wararka Sacuudiga ee magaceeda loo soo gaabiyo (SPA) ayaa sheegtay in hoggaamiyeyaasha kulmay ay ka wada hadleen arrimaha kasoo cusboonaaday dalka Suuriya, halkaasoo Turkiga uu ka billaabay howlgal milatari oo weerar ah, xuduuddana uu uga gudbay.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen dagaalka ka socda Yemen, oo Sacuudiga iyo xulafadiisu ay kula dagaallamayaan Xuutiyiinta tan iyo sanadkii 2015-kii.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Moscow ayaa sheegay in Putin uu sidoo kale boqorka Sacuudiga iyo dhaxal sugahaba kala hadlay arrimaha ku saabsan qiimaha saliidda.

Ruushka ayaa la ogyahay inuu xulafo dhow la yahay Dowladda Iiraan, oo lagu eedeeyay inay mas'uul ka ahayd weerarkii lala beegsaday warshadaha saliidda ee Sacuudiga, inkastoo arrintaas ay beenisay xukuumadda Tehran.

Sidoo kale Ruushka ayaa si buuxda u garab istaagay madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad, halka Sacuudiguna ay taageerayeen xoogagga mucaaradka Suuriya ee damacsanaa inay xilka ka tuuraan Asad.

Mareykanka oo ay si weyn isaga soo horjeedaan Ruushka ayaase dhinaca kale la safan Sacuudiga iyo xulafadiisa kale ee Carabta.

Hase yeeshee booqashada uu Putin ku marayo dalalka Kahliijka ee isgarabsada ayaa qeyb ka ah dagaalka uu Ruushka ku doonayo inuu dib ugu soo celiyo xiriirkii uu horay ula lahaa waddamadaas.

 

BBC


Loading...
Loading...