Xukuumada & Waddani Oo Markale Isku Khilaafaya Guddida Doorashada Iyo Qaabka Dastuurku Jideeyey In Loo Xulo Xubnaha Guddidaas

0
Tuesday October 15, 2019 - 18:32:58 in News by
  • Visits: 4387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada & Waddani Oo Markale Isku Khilaafaya Guddida Doorashada Iyo Qaabka Dastuurku Jideeyey In Loo Xulo Xubnaha Guddidaas

    Xukuumada & Waddani Oo Markale Isku Khilaafaya Guddida Doorashada Iyo Qaabka Dastuurku Jideeyey In Loo Xulo Xubnaha Guddidaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada & Waddani Oo Markale Isku Khilaafaya Guddida Doorashada Iyo Qaabka Dastuurku Jideeyey In Loo Xulo Xubnaha Guddidaas

Hargeysa(HWN):-Xukuumada somaliland iyo xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa mar kale wajahaya khilaaf soo kala dhexgala.


Khilaafka xukuumada iyo xisbiga ugu weyn mucaaridka somaliland ee Waddani oo haatan si dadban u muuqda ayaa salka ku haya xubnaha ka mid noqonaya guddida cusub ee doorashooyinka somaliland kuwaas oo uu magacaabay madaxweyne Muuse Biixi.

Image result for muuse iyo ciro


Sida uu sheegay gudoomiyaha golaha wakiilada somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, madaxweynaha somaliland ayaa u gudbiyey magacyada todobada xubnood ee loo magacaabay guddida cusub ee doorashooyinka kuwaas oo ay ku jiraan sadex xubnood oo madaxweynuhu magacaabay.


Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayey wararku sheegayaan in xubnaha uu soo magacaabay madaxweyne Muuse Biixi aanu sharcigu u ogolaanayn inay ka mid noqdaan guddida doorashada, iyada oo qaarkood uu ku eedaynayo inay ka tirsan xisbiga Kulmiye halka qaarna ka mid yihiin shaqaalaha dawlada.


Dhinaca kale dastuurka somaliland ayaa si cad u sheegay shuruudaha laga doonayo qofka loo magacaabayo inuu ka mid noqdo guddida doorashooyinka somaliland.


Halkan Hoose Ka Akhriso Sida Dastuurku Jidaynayo

Image may contain: text


 


Loading...
Loading...