Xisbiga Waddani Oo La Noqday Xubintii Uu U Soo Xulay Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Iyo Sababta Keentay

0
Tuesday October 15, 2019 - 17:59:53 in News by
  • Visits: 4165
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo La Noqday Xubintii Uu U Soo Xulay Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Iyo Sababta Keentay

    Xisbiga Waddani Oo La Noqday Xubintii Uu U Soo Xulay Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xisbiga Waddani Oo La Noqday Xubintii Uu U Soo Xulay Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Iyo Sababta Keentay


Hargeysa(HWN):-Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa la baxay xubintii cusbayd ee uu u soo xulay inuu ka mid noqdo guddida cusub ee doorashooyinka somaliland.

Image result for xisbiga waddani


Sidoo kale shirgudoonka golaha wakiilada somaliland ayaa shaaciyey in xisbiga Waddani uu soo gaadhsiiyey cabasho uu ka muujiyey xubno uu madaxweyne Muuse Biixi soo magacaabay oo ka mid noqonaya guddida cusub ee doorashooyinka.


Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa cadeeyey in madaxweyne Muuse Biixi u soo gudbiyey magacyada todobada xubnood ee cusub ee loo soo xulay guddida doorashooyinka kuwaas oo golaha wakiiladu ka gudan doono waajibkooda dastuuriga ah balse ay jirto cabasho ka timid xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.


Dhanka Kalene Guddoomiye Beesha ayaa shaaca ka qaaday in xisbiga WADDANI uu hakiyey Xubintiisii u meteli lahayd Komishanka cusub ee doorashooyinka,waxaanu sheegay inay war-qad uu WADDANI ku hakinayaan xubintiisa ay golllaha soo gaadhay, iyadoo uu xisbiga WADDAN ka biyo diiday laba xubnood oo uu Madaxweynuhu soo xulay, kuwaas oo kale ah Cabdirashiid Riyo Raac oo ka tirsan gollaha dhexe ee xisbiga KULMIYE iyo Kaltuun oo kamid ahayd Komishanka hadda wakhtigiisii sii dhammaanayo, kuwaasi oo muran ka dhalanayo haddii Xubin ka mid ah dib loo soo magacaabo.

 


Loading...
Loading...