Dadka Guryaha Kireeya Oo Jecel In La Goblamo.

0
Thursday January 31, 2019 - 07:39:45 in Highlights by Super Admin
  • Visits: 1115
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Guryaha Kireeya Oo Jecel In La Goblamo.

    Waa qormo aan kaga hadlayo Wacyi adag iyo waayaha durufeed ee ku gadaaman dadka aan hoyga Hanti u lehayn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa qormo aan kaga hadlayo Wacyi adag iyo waayaha durufeed ee ku gadaaman dadka aan hoyga Hanti u lehayn.
Waxa dhacda bulsho waxay ku badbaadaa ama ku nabad gasha Waa hoyga ama barada qof waliba naftiisa ku aamino qalbiguna ku xasilo.

Haddaba sanadahan waxa soo kordhay hab lagu dabar jarayo hanaanka qoysku u dhisan yahay ,waxaad arkaysaa shuruudo lagu xidhayo qofka raba inuu guri kiraysto ama ijaarto Waxaana ugu wayn oon laga soo waaqsaneyn erayayda ah IMISA CARUUR AH AYAAD WADATAA AMA AAD LEEDAHAY.


Qoysku waxa u ku dhisan yahay nimcada ilaahay ku maneystay oo ah ubad. Waxa dhacda marka qofka guriga kiraysanaya oo sida ugaadha Afka ubadkii ugu sida rabana meel uu dhigoo lacagtiisu u hayso ay ku noqoto waran lagu rideeyay marka la yidhaah Caruur haddaad wadato lagaama kiraynayo guriga, taas oo keenta niyad jab qoys oo halis galin karta hanaanka qoyska. Waxa kale oo jira in dadka kireeya guryuhu Inta badan ay jecelyihiin lamaanaha nolosha ku cusub sida arooska,oo aad arkayso iyagoo odhanaya guriga waxaan rabaa in aan ka kireeyo aroos ama laba qof oo caruusa. Su'aashuse waxay tahay dadkan is aroostay ee ay rabaan in ay GURYAHA ka kireeyaan Miyaanay ahayn dad raba in ilaahay ubad siiyo,  Maxaase ku kalifay kala doorashada Caruur ma rabno reer wata iyo waxaan ka kireynaya caruus.

Haddaba ma waxa ay doonayaan dad aan waxba dhalin oo Goblan ah . mise maxa ay rabaan in ay dhashu yaraato oo la dabargo dhaco; taasoo keenaysa in aduunyadan waqtigan tirada dadka oo tacab lagu daray ku socotaa  inaga hoos baxdo marka aad ka eegto 100 bilyan oo jaarkeena ah iyo sida kiradu tahay waxa ku soo baxaysa dagaal xagga taranta ah ama qoys dumina oo inagu socda.

Waxa kale oo jira qiimaha lagu kiraysto guryaha oo faraha ka sii baxaya marba marka ka danbeysa, su'aaha bud'dhiga u ah qormadani Waa 1 ma waxa la rabaa in dadku goblamaan  Waatan Inta badan caruurtii loo diiday dadka wataa in guryo laga kireeyo Inta badan 2 ma waxa jira ururo dano gaar ah ka leh arrintan oo si dadban u adeegsanaya dadka hantilayaasha ah oo raba in dabargo dhaco 3 ma waxa jira yareyn la yareynayo guurka, maadaama guurka nimcadiisa ubadku ka mid yahay  sikastaba ha ahaate waxa maanta socda Waa halis haddii aan la qaban hakad galin doonta horomarinta qoyska.

In qofka guriga kiraysanaya lagu xidho Caruur Haddaad wadato lagaama kiraynayo,Waa dhambaal ama fariin diraysa UBAD LAMA RABO, WAXA LA DOONAYAA IN LA GOBLAMO. Miyaa la waayay xal ah ,shuruud odhanaysa guriga kirayso balse maalinta aad ka baxayso Waa inaad dacay tirtaa wixii burbur ah ee gaadha. Ileyn waatan bilo deebaajiya laga qaadee. Waxa kale oo su'aali ka taagan tagay halkee ayuu maray doorkii WASAARADAHA BULSHADA IYO ARRIMAHA QOYSKU KU LAHAYD? 

Halkee ayuu maray doorkii

Guddida xuquuqal iinsaanka qaranku ku lahaayen xalinta arrinkan, halkee ayuu maray doorkii CULIMADA DIINTU KU LAHAAYEEN ka hadalka arrintan

Qalinku koobimaayo kashkayga tabashadiise  kaw iyo labase wuu kari

Qalinkii Qoraa Maxamed Cabdiqaadir Colhaye

Loading...
Loading...