Xildhibaan Golaha Shacabka Oo Ka Dayriyey Mushahar La,aanta Ciidamada Soomaaliya

0
Wednesday March 20, 2019 - 18:47:40 in News by
  • Visits: 1546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Golaha Shacabka Oo Ka Dayriyey Mushahar La,aanta Ciidamada Soomaaliya

    Xildhibaan Golaha Shacabka Oo Ka Dayriyey Mushahar La,aanta Ciidamada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Golaha Shacabka Oo Ka Dayriyey Mushahar La,aanta Ciidamada Soomaaliya


Muqdisho(HWN):-Xildhibaan Mahad Salaad ayaa qoraal muhiim ah oo uu soo dhigay bartiisa facebook kaga hadlay dhibaatooyinka mushahar la’aan ee ay wajahayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, isaga oo uga digay madaxda dowladdaasi inay siyaasadeeyaan.




Xildhibaanku waxa uu qoraalkiisan ku yidhi sidan:

Waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aysan siyaasadayn mushaharka Ciidamada Qalabka Sida!

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa ka soo baxay degmada Mahadaay, Qalimow, Garsaale iyo fadhiisimo ay ku lahaayeen duleedka Jowhar.

Soo bixitaanka Ciidamadaan ayaa lagu sababeeyay mushaar la’aan muddo 4 bilood ah soo jiitameysay, halka ciidamada qaarkood mudo 6 bilood ah aysan mushahar qaadan. Saraakiil katirsan ciidanka militariga oo aan la xariiray ayaa ii sheegay in ciidamadaan la diiwaan geliyay loona sheegay in mushaarka loogu soo shubi doono akoomadooda ilaa hadana aysan wax lacag ah qaadan.

Sidoo kale xariir aan la sameeyay saraakiil katirsan ciidanka booliska ayaa ii sheegay in mushaar la’aanta ciidamada aysan ku koobnayn militariga kaliya ee sidoo kale ciidamadii Nabad Sugida laga soo wareejiyay ee Booliska lagu daray iyo kuwii 14kii Oktoobar iyagana mudo dhowr bilood ah aysan mushaar qaadan.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii ciidamo ka cabanaya mushaar la’aan oo katirsan qeybta 12-ka April ay isaga soo baxeen deegaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo markii dambe ay la wareegeen Al-Shabaab.

Haddaba, waxaan ugu baaqaynaa Madaxda Qaranka in aan la siyaasadayn mushaarka ciidamada, lagana dhaafo ciidamada hadalada xaqiiqada ka fog ee warbaahinta loo marinayo. Sababna aan loo noqon iska horkeenida ciidamada iyo saraakiishooda. Taasoo keeni doonta in ciidamadu furimaha dagaalka soo baneeyaan, cadowgana si sahlan gacanta loogu geliyo deegaano xoreyntooda loo huray naf iyo maal aad u badan.

Mahadsanidiin
Hon. Mahad Salad

Loading...
Loading...