'' Siilaanyo Siyaasi Feejignaa ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje

0
Tuesday October 15, 2019 - 10:00:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Siilaanyo Siyaasi Feejignaa ''. W/Q: Ahmed Nuur Guruje

    Miisaska wax laggu qorsheeyo , khubaraddu wuxuun bay isu geegaysaaye ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miisaska wax laggu qorsheeyo , khubaraddu wuxuun bay isu geegaysaaye ,

Waaggii doorashaddii 2003 kulmiye wuxuu isu geeyey xisaab uu isku fadhiisiyey ,taasoo nuxurkeedu ahaa in ay ku guulaystaan doorashadda .

 

Doorashadii markii la galay wax badani siday u dhigeen bay u dhaceen , marka lagga rabo hal meel .

 

Codkii Xisbiga Kulmiye ugu tala galay in uu ku mooso codka Boorame oo ahaa Codka Hargaysa ayaa wax badani iska badaleen .

 

Codkii miyiga Hargayssa wuu is goostay , codkii magaaladuna wuu isku dhadhadhawaaday , sidaa darteed , codkii Burco ee kulmiye guusha u haystay iyo codkii boorame ayaa isku soo fakaday , xisaabtani waxay soo fadhiisatay zero zero , natiijadani waxay noqotay in laggu kala baxo 80 cod , guul daradii waagaas kulmiye soo gaadhayna halkaasay ka timi .

 

lagga soo bilaabo waagaas 2003 ilaa 2017 oo ahayd markii uu xilka ka degey , Siilaanyo wuxuu xidhiidh wanaagsan la yeeshey deegaanada Bariga Hargaysa , waxaana xusuus mudan .

 

Ololihii uu ku jirey mudada dheer ee kaambaynka wuxuu kusoo afjray 23-june 2010 , safar uu isugu maray saba-wanaag iyo cadaadley oo uu habeenkaa u hoyday , 26-june foodkii ayaa dhacay .

 

Kuraasidda uu siiyey Siilaanyo barriga Hargaysi waxay ahaayeen kuwo badan , waxanaay taxnaayeen Heer degmo ilaa ilaa heer wasiir .

 

Si kastaba ha ahaatee , siilaanyo wuxuu ahaa siyaasi feejigan oo meesha uu wax ka filayo iyo meesha uu is leeyahay waxbaa kaaga imanayaba aan ka jeesan oo mar walba indhaha ku hayn jirey .


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...