Madaxwayne Farmaajo Oo Wajigabax Kala Kulmay Urur Goboleedka IGAD

0
Tuesday October 15, 2019 - 09:48:25 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4702
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Farmaajo Oo Wajigabax Kala Kulmay Urur Goboleedka IGAD

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku guuldarraystay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa ku guuldarraystay in

uu noqdo guddoomiyaha urur goboleedka IGAD waxaana jagadan loo doortay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Kulan ay madaxda dalalka ku bahoobay IGAD jimcihii yeesheen ayaa lagu doortay guddoomiyaha halka xoghayaha ururkana loo doortay Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo aamminsana in uu xidhiidh fiican la leeyahay dalalka gobolka ayaa muddo doonayay in uu qabto hoggaanka IGAD laakiin, madaxda gobolka ayaa dalabkiisa meesha ka saartay islamarkaana doortay madaxweynaha ay is hayaan ee Kenya Mr Uhuru Kenyatta.

 

Waxa xusid mudan in madaxweyne Farmaajo isku hallaynayay dawladda Itoobiya laakiin, waxay Itoobiya codka siisay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

 

Madaxweyne Farmaajo oo muddooyinkii u dambeeyay dalalka gobolka ka dhex muuqday ayaa hankiisu waxa uu dhabar jab  kala kulmay madaxda gobolka waxaana jagadan wareejinaya ra’isal wasaaraha Itoobiya.

 

Geeska Afrika


Loading...
Loading...