Qaabkee Ayey Warbaahinta Addis Ababa Iyo Asmara Uga Hadleen Weftigii Eritrea Ee Somaliland Yimid?

0
Wednesday March 20, 2019 - 18:02:38 in News by
  • Visits: 5327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaabkee Ayey Warbaahinta Addis Ababa Iyo Asmara Uga Hadleen Weftigii Eritrea Ee Somaliland Yimid?

    Qaabkee Ayey Warbaahinta Addis Ababa Iyo Asmara Uga Hadleen Weftigii Eritrea Ee Somaliland Yimid?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qaabkee Ayey Warbaahinta Addis Ababa Iyo Asmara Uga Hadleen Weftigii Eritrea Ee Somaliland Yimid?


Hargeysa(HWN):-Warbaahinta dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino ka qoray socdaalka uu Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya iyo la taliyaha madaxweynaha Cismaan Saalax iyo Yemane Gebreab ay ku joogaan magaalada Hargeysa.




Wakaaladaha wararka ee ay maamulaan dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino kooban ka diyaariyay socdaalkan uu Wasiirul khaarajiga Ereteriya ku joogo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.


Shabait

Wakaaladda wararka Ereteriya ee Shabait oo ay dawladda Ereteriya maamusho, ayaa qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay "Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo wada hadalo la yeeshay madaxda kala duwan ee Somaliland”


Shabait, waxay tidhi "Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo ka kooban Cismaan Saalax, Wasiirka arrimaha dibadda iyo la taliyaha madaxtooyada Yeman Gebreab ayaa kulankii labaad saaka [shalay[ oo saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi oo lagaga wada hadlay xoojinta arrimihii lagu soo bandhigay kulankii 1aad.”


Wakaaladda wararka ee Ereteriya waxay intaas raacisay, "Weftigu waxa kale oo ay la kulmeen Wasiirada khaarajiga, arrimaah gudaha, maaliyadda iyo weliba xubnaha guurtida iyo wakiilada. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa weftiga u sameeyay qado sharaf. Weftiga Ereteriya ayaa 18 March Hargeysa, Somaliland ku tagay socdaal shaqo oo rasmi ah.”


FANA

Warbaahinta ay dawladda Itoobiya maamusho ee FANA, ayaa iyaduna qortay shalay warbixin ay ciwaan uga dhigtay "Wefti Ereteriyaan ah oo booqday Somaliland.”


Wakaaladda wararka ee Itoobiya waxay warbixinteeda ku bilowday "Wefti Ereteriyaan ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha dibadda Cismaan Saalax iyo la taliyaha madaxtooyada Yemane Gebreab ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi kulan kula yeeshay xafiiskiisa.”


Waxay wakaaladu intaas raacisay, "Ka dib kulanka, Cismaan Saalax, ayaa sheegay in kulanku ahaa mid xiiso leh oo muhiim ah. Wuxuu sheegay in weftiga uu Madaxweyne Biixi siiyay warbixin ku saabsan siyaasadda, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo xaaladda Somaliland.”


Cismaan ayay wakaaladu sheegtay inuu ammaanay nabadda ka aslaaxday gobalka Geeska Afrika, gaar ahaan Ereteriya iyo Itoobiya.

Loading...
Loading...