Hoo Laguma Barin, keena Waad U Hardafay-saaye ( Abdi-shotaly) !

0
Wednesday March 20, 2019 - 17:50:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoo Laguma Barin, keena Waad U Hardafay-saaye ( Abdi-shotaly) !

    Waxa maalmahan ku meeraysa-naay, xusbiyadda mucaaridka ah ( Siiba Waddani), kuwo ah asxaabul-hunguri, oo la yidhi suul-daaro u soo dhiga,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalmahan ku meeraysa-naay, xusbiyadda mucaaridka ah ( Siiba Waddani), kuwo ah asxaabul-hunguri, oo la yidhi suul-daaro u soo dhiga,
oo ku soo maslaxa, in ay yeelaan waxa Komishanka uu ugu yeedho askariga wareersani, markii ay jiq-dda kaga dhigeen Mucaaridku, aan idiin jilciyee, waa kuwo sheegta madax-dhqmeedo, oo cumaamadda aan wax kale u sidanin, laakiin ugu shaqaysta dana-hoodda gaarka ah, magac beeleed-na ku maxaafsadda, waxase ka khaldan in haatan la is bartay, oo cid ay mansuuliyad u sidaan aanay jirin haba-yaraatee, ka idin soo diray-na wuu og-yahay waxad tihiin, laakiin waa naf la caarid, is leh mar uun yaa ku soo hor fadhiisiya, kuwa diidan Biidhi-qaata-yaasha askarigu ku laaluusho, in ay u boobaan doorashoo-yinka, oo uu ka baqaayo haddii uu bedelo in aanu heli doonin, ilayn cid rabtaa ma jirtee.Tixdan gaaban ee hoos ku qoran, oo ka hadlaysa is bedelka ku dhacay, wixii la odhan jirey Madax-dhaqmeeyo, ee uu ku salaysnaa hidaha iyo hab-dhaqanka Ummadda Somaliyeed, gaar ahaan Teenan Somaliland, oo aan akhristaw saluugay, iyadda oo haba-yaraatee, wakhtigan hadda aynu joogno, aanay jirin astaamihii soo jireenka ahaa, ee xaal-koodu noqday, " Nin qadhoon hela mid qadhaab hela, ha la qalabsado.



Kuwaas sare ku cayiman, oo lagu yaqaanay inta cumaamadaha inoo sidata, oo gebi ahaan-ba ka sal-guurey, kuna biyo shub-teen siyaasiyiin, Weji ku macaash ah, kolb a ka gacanta wax u saara iyo inta qiimaha loo saaraa le'eg-yahay, ay ka gashay cumaamaddii, subax kaste-na ku kalahaya halka hadal ka furan yahay, ee ay rux-ruxan karaan maalintaa, oo ay madaxa ku wadda duub-teen, Cumaamad Hunguri, sidda bir-labta u soo jiidata sanqadha dhururidda doolarka, iyaka oo iska xaadiriya subax iyo galab walba Griggii Moorgan. Aniga oo arinkaa eegaaya baan tixdan hoos ku qoran unkay, ee ku soo dhawaw muwaadin, waana mid run ah, hadaad igu diido iyo hadaad igu raac-daba waxa aan tixdan ku sheegay:-


Waaggii faarax suusliyo jireen, waafiggii taladu,

Wakhti ay tageen odayaddii, Dhabeeye iyo diiriyaba,

Wehel Faarax Nuur iyo, Suldaan wabarkii Samaroon.

Goortii Wad-kooddii helaa, yimi wareer-kaniye,

Kuli-good wabiinay noqdeen, weere bahaleede,

Waaggii dilaacaba waxay xidhaan, duubab waar leege,

Afartaa wax lays-kuma maree, waw ma ka higaashay,

Waayuhu wuxuu qorey ayaan, waafaqoon qiraye,

Haduu dhaqanku waayeel lahaa, weji-macaashawye,

Oo wax garad loo yiqiin, odayo waa-weyn-ta

Wanaag iyo xishood lagu ogaa, arin wacnaan-tiisa,

Sama-talis kuwii loo egmaday, waano iyo xaajo,

Waan-waanta nabdiyo wixii, lagu walaaloobo,

Kuli-good wabiinay noqdeen, weere bahaleede,

Waaggii dilaacaba waxay xidhaan, duubab waar leege,

Afartaa wax lays-kuma maree, waw ma ka higaashay,

Marka xaajo wiiqanto kuwii, wadar la doonaayey,

Waayo'arag ninkii loo filiyo, kii wax garanaayey,

Beelaha ragii kala wadee, waayo hore joogay,

Waaggii yimaadaba raggii, xume ka waantoobay,

Waxan looga baran bay arladda, kula wareegaane,

Kuli-good wabiinay noqdeen, weere bahaleede,

Waaggii dilaacaba waxay xidhaan, duubi waar leege,

Afartaa wax lays-kuma maree, waw ma ka higaadshay,

Wakhtigaa wareerkaa dhigiyo, waydan aan bixine,

Waa madax-dhaqmeedkii kuwaa, wadhafka tuuraaye,

Suldaan waafiya'iyo ma jiro, caaqil waab-taaye,

Wadaday sii hayaan maaliniyo, wilig habeenaade,

Waxa loo maleegtaa halkaad, weerar geli-saane,

Kuli-good wabiinay noqdeen, weere bahaleede,

Waaggii dilaacaba waxay xidhaan, duubi waar leege,

Afartaa wax lays-kuma maree, waw ma ka higaadshay,

Waayeelka jaqaf-sadda miyaa, keenay walba-haarka,

Waayaha aduun-yadda miyaa, igu dul weetoobay,

Ma wisiisi baan goor kastaba, wahamka aan saaray,

Ma siyaasi bay wadda noqdeen, beenta wadda sheega,

Ma halkay i wiiqeen ayaan, waaxyo ka hilboobey,

Kuli-good wabiinay noqdeen, weere bahaleede,

Waaggii dilaacaba waxay xidhaan, duubi waar leege,

Afartaa wax lays-kuma maree, waw ma ka higaadshay,

Wadnahay-gu dhiigii ma habay, waranku saameeyey,

Wacda-raha ayaamha miyaa, weli i naafeeya,

Hidihii wacnaa laga tegyoo, waali loo guurye,

Weynaw aduun baa karee, belo na waydaari,

Rabiyaw na waafaji adigu, talo wax noo taraysa.


Waxan ku soo guntay maqaalkan xambaarsan tixdan gaaban, Ummad yahay iska ilaaliya, kuwani ma yaqaanaan hoo, keena way u hardafa-yaane, waa wadda koofiyad bacla-yaal, ku xeeran maamulka askarta, hana moodina, qaar dan reer, ama qaran wadda, ee waa calooshoodda u shaqaysta-yaal, ku baadhasho taga magac reer. iska daa waxay hagaajiyaan, ama isku wadaan, waan-waan dhex dhigaane, waa kuwo dhuun-toodda uun u maleegan, iyakaana ku kala qaybsan, oo kolba mdi u waydaartaa inta kale isaga oo hilaaban, ee ma kuwaas baynu wax ka sugaynaa.

N.B Weynaw Aduun Baa Karee, Belo Na Waydaari!

Abdi-shotaly,

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...