Aqoonyahan Siyaasadda Ku Cusub Oo Ku Guuleystay Doorashadii Tunisia
ayaa guul aad u weyn ka gaaray doorashadii kala baxa ahayd ee Tunisia, isaga oo ka adkaaday maal-qabeenka warbaahinta, Nabiil Quray, sida ay muujineyso natiijo horudhac ah.
Saciid, oo si madax banaan u tartamay ayaa helay ugu yaraan
72.5% codadka, sida ay muujineyso natiijada horudhaca ah ee ay sii daysay
shirkadda Emrhod, wuxuuna 40 dhibcood kaga adkaaday Quray.
Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada
caasimadda ah ee Tunis, si ay ugu dabaal degaan guusha Saciid, ayaga oo
heesayey astaanta qaranka.
"Waa maalin taariikhi u ah Tunisia, Tunisa waxay guraneysaa
mirihii kacdoonka,” waxaa sidaas yiri Boussairi Abidi oo ah 39 jir makaanik ah.
"Qays Saciid wuxuu soo afjari doonaa musuq-maasuqa, wuxuuna noqon doonaa
madaxweyne caddaalad ah.”
Natiijada rasmiga ah ayaa la filayaa in lagu dhowaaqo maanta.
Saciid ayaa uga mahad-celiyey da’yarta dalka "inay bog cusub
fureen,” wuxuuna wacad ku maray inuu isku dayi doono inuu dhiso "Tunisia
cusub”.
Qiyaastii 90% dadka da’doodu u dhaxeyso 18 illaaa 25 ayaa u
codeeyey Saciid, sida ay muujisay ra’yi uruurin uu sameeyey machadka Sigma.
VOA