Siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac oo Lafilayo Inuu Kamid Noqdo Xubnaha Cusub ee Gudida Doorashooyinka iyo Hadal Hanynta Shacabka

0
Monday October 14, 2019 - 09:24:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 3837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdirashiid Riyo-raac oo Lafilayo Inuu Kamid Noqdo Xubnaha Cusub ee Gudida Doorashooyinka iyo Hadal Hanynta Shacabka

    Hargeysa(HWN)- Xukuumadda Somaliland ayaa kusoo dartey Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)- Xukuumadda Somaliland ayaa kusoo dartey Xubnaha Cusub ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka

laba Xubnood oo laga biyo diidey, kuwaas ah xubin ka tirsan Xubnihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Kaltuun Sheekh Xasan iyo Siyaasiga Cabdirisaaq Riyo-raac, oo Xubin ka ahaa kana tirsanaa Xubnaha Gudida Fulinta Xisbi Xaakimka Kulmiye.

 

Xubnaham Sida Weyn looga biyo diidey oo ay Soo xuleen islamarkaana Dabada ka Riixayaan Madaxweynaha Qaranka Muuse Biixi Cabdi iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo sida la Sheegay adeer u ah Siyaasiga Cabdirashiid  Riyo-raac ayaa siweyn looga hadalhayay maanta Guud ahaanba Goobaha Dadweynaha Reer Somaliland ee arimaha Siyaasada Falanqeeyaa ku kulmaam iyo Guud ahaanba Goobaha kale bar kilanka Caadiga u ah Bulshada Sida Huteelada waaweyn Waxaanay dadka intiisa badani isku fikir ka joogaan in Xulista Riyo-raac ay tahey mid dib u abuureysa Khilaafkii dhinaca Doorashooyinka ee Xisbiyadda Qaranka.

 

Inkastoo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani aanu Wali kasoo Saarin Warsaxaafadeed aragtidooda ku Wajahan hadana Waxa ay taageerayaasha Xisbigaasi siwryn ugu Doodayaan in Xulistani tahey mid Xeer jabin ah islamarkaana, caqabad ku ah hanaanka Doorashooyinka iyo Dastuurka dalkaba Waxaanay Tusaale ugu soo Qaadanayeen in Xulistii hore ee Xubnaha Komishankii hore ee Doorashooyinka Xisbiga Waddani laga Diiday, Dr Fadal oo markaa loo Cuskadey in aanu Dhexdhexaad iyo Shuruudaha Komishanka midna buuxin.karin Maadaama uu kamid Yahey Xubnaha Golaha Dhexe iyo Gudida Fulinta Xisbiga Waddani sidaa darteedna lagu horjoogsadey Xubinimadiisii.

 

Cabdirashiid Riyo-raac ayaa hore u ahaa Siyaasi islamarkaana soo Qabtey Xilka Wasiiru-Dawle Xukuumadii hore Waxa uu doorweyn kaga Dhex muuqdey ololihii Xisbiga Kulmiye ee Doorashadii hore isagoo si aad ah uga ololeeyay Deegaanka Qori-Lugud ee uu kasoo jeedo Waxaanu Dhawaan hadal adag oo ku Wajahan Korneyl Caare islamarkaana ka Cadheysiiyay Qeybo badan oo Shacabka taageersan ah ka Jeediyay Warbaahinta.

 


Loading...
Loading...