Weftigii Ka Socday Dalka Eriteriya Ee Maalmahan Ku Sugna Somaliland Oo La Sii Sagootiyey Maanta

0
Wednesday March 20, 2019 - 15:33:32 in News by
  • Visits: 3407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Ka Socday Dalka Eriteriya Ee Maalmahan Ku Sugna Somaliland Oo La Sii Sagootiyey Maanta

    Weftigii Ka Socday Dalka Eriteriya Ee Maalmahan Ku Sugna Somaliland Oo La Sii Sagootiyey Maanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii Ka Socday Dalka Eriteriya Ee Maalmahan Ku Sugna Somaliland Oo La Sii Sagootiyey Maanta


Hargeysa(HWN)-Weftigii ka socday dalka Eriteriya ee uu hoggaaminayey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta si rasmi ah uga amba baxay dalka Somaliland, waxana madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ku sii sagootiyey wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon).



 

 

Weftigan oo muddo saddex maalmood ah booqasho rasmi ah ku joogay dalka Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana kulamo kala duwan la qaatay hay’adaha kala duwan ee qaranka, sidoo kalena booqasho indho-indhayn ah ku soo maray qaar kamid ah xarumaha hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo suuqyada kala duwan ee caasimadda Hargeysa, ayaa indhahooda kusoo arkay nabadda iyo Dimuqraaddiyadda ka hana qaaday Somaliland.


 

Sagootinta weftigan waxa sidoo kale qayb ka ahaa wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kale oo xukuumadda katirsan.


 
 

Loading...
Loading...