"Madaxweynuhu Wuxuu Komishanka U Soo Doortay Dad Xeerku U Diiday Inay Ka Mid Noqdaan."

0
Sunday October 13, 2019 - 17:01:17 in News by
  • Visits: 3714
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynuhu Wuxuu Komishanka U Soo Doortay Dad Xeerku U Diiday Inay Ka Mid Noqdaan."

    "Madaxweynuhu Wuxuu Komishanka U Soo Doortay Dad Xeerku U Diiday Inay Ka Mid Noqdaan."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynuhu Wuxuu Komishanka U Soo Doortay Dad Xeerku U Diiday Inay Ka Mid Noqdaan."


Hargeysa(HWN):-xoghayaha duulista xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Nuuradiin Diini ayaa shaaciyey in madaxweyne Muuse Biixi uu xubnaha komishanka ee uu magacaabayey u xushay shakhsiyaad aanu sharcigu u ogolayn.

Image result for madaxweyne muuse biixi


Xoghayaha duulista xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa war uu soo saaray waxa uu ku sheegay inaanu madaxweyne Muuse diyaar u ahayn in doorashooyin wadanka ka dhacaan, waxaanu qoraalkiisa u dhignaa sidan:-


Madaxweyne Muuse waxa uu magacaabay dad aanu xeerku u jidaynayn in ay mid noqdaan Komishanka Doorashooyinka qaranka, sidaasi marka ay tahay waxa inoo muuqata in aanu Madaxweyne Muuse Biixi u diyaar ahayn Doorasho deegaan iyo mid baarlamaan oo Dalka ka qabsoonta.


1 Cabdirashiid Riya-raac xeerkaa u diidaaya in aanu noqon karin Xubin Komishan Doorasho ah maadaama oo uu ka mid yahay Xisbiga Kulmiye. (Xeer Lr. 20/2001) qodob kiisa 11aad xarafkiisa "d" wuxuu si cad u sheegayaa in shaqaale Dawladeed, xubin Xisbi ka mid noqon karin Komishanka Doorashooyinka qaranka bal eeg waakan qodobkiiye.


d) Shaqaale dawladeed, xubin Barlaman, Xubnaha Golaha Wasiirada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama mid noqon karo Komishanka.


2 Sidoo kaleMustafe M. Dahirwaxa isna waxa diidaaya Xeerka maadama oo uu yahay Shaqaale Dawladeed waliba, Shaqaale Madaxtooyo, waana Xooghayaha Goolaha wasiirada, sidaasi darteed waxa diidaaya isla qodobka 11aad ee xeerka doorashooyinka farqadiisa "D" , oo leh sidan.
d) Shaqaale dawladeed, xubin Barlaman, Xubnaha Golaha Wasiirada, ciidan Qaran iyo xubin xil u haysa urur/xisbi kama mid noqon karo Komishanka.


3 Madaxweyne Muuse waxa uu sooceliyay Xusbin ka mida xubnihii hore, kuwaasi oo lagu heshiiyay in dhamaantood la bedelo, lana soo magacaabo Komishan Cusub.


Sidaasi marka xaajo tahay waxa muuqata in aanu Madaxweynuhu xeerka dhawrin, ixtiraamin ee uu Komishan Doorasho u doortay Dad xeerku u diiday, waxaana abuurmi doona buuq iyo qaxar horle oo xaga madaxweynaha ka abuurma.

Loading...
Loading...