Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Oo ka Digay In Si Gaar Ah Loo Bartilmaameedsado Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya.

0
Sunday October 13, 2019 - 11:50:06 in News by
  • Visits: 2229
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Oo ka Digay In Si Gaar Ah Loo Bartilmaameedsado Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya.

    Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Oo ka Digay In Si Gaar Ah Loo Bartilmaameedsado Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Oo ka Digay In Si Gaar Ah Loo Bartilmaameedsado Ciidanka Ka Jooga Soomaaliya.


Kismaayo(HWN):-Gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale ayaa ka hadlay ciidamada ka socda wadankiisa ee ku sugan gudaha soomaaliya.

Image result for adan bare ducaale



Gudoomiye Aadan Bare Ducaale oo ka hadlayey xaflad lagu caleemo saarayey madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo ka dhacday ayaa ka digay in si gaar ah loo bartilmaameedsado ciidamada Kenya ee ku sugan soomaaliya isaga oo xusay inay ka mid yihiin hawl galka Amisom.


Gudoomiye Aadan Bare oo ka waramaya ciidanka Kenya ka jooga soomaaliya ayaa waxa uu yidhi "'Waxaan rabaa in maanta halkan ka sheego ciidanka halkan jooga ee Kenya waxey u joogaan oo kaliya in ay la dagaalamaan kooxaha argagixisada kana difaacaan Shacaba Soomaaliyeed iyo Shacabka Kenya labadaba, waxaan leeyahay yaan si gaar ah farta loogu fiiqin ciidanka halkan jooga, yaan la faquuqin ciidankan waxey ku joogaan oo ay ku shaqeeyaan magaca AMISOM, waxey la mid yihiin kuwa Uganda, Itoobiya iyo Jabuuti'' ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.


Sidoo kale gudoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Bare Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay xidhiidhka sida gaarka ah uga dhaxeeya maamulka Jubbaland "Jubbaland iyo dowladda Kenya waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo aad u wanaagsan oo ku aadan wada-shaqeynta dhanka Ammaanka, waxaana hambalyo u diraynaa Madaxweynaha Jubbaland”


Ka qeyb-galayaasha munaasabadda ayuu ugu baaqay in ay isku raadiyaan sida uu hadalka u dhigay Soomaali mid ah oo aan siyaasadda leysku khilaafsaneyn.

Loading...
Loading...