Madaxweynaha Jubbaland Oo Wada Hadal Ka Dalbaday Dawlada Federaalka Ah

0
Sunday October 13, 2019 - 11:40:35 in News by
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jubbaland Oo Wada Hadal Ka Dalbaday Dawlada Federaalka Ah

    Madaxweynaha Jubbaland Oo Wada Hadal Ka Dalbaday Dawlada Federaalka Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jubbaland Oo Wada Hadal Ka Dalbaday Dawlada Federaalka Ah


Kismaayo(HWN):-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) ayaa wada hadal ka dalbaday dawlada federaalka ah.


Madaxweynaha Jubbaland oo maanta ka hadlayey munaasibad ka dhacday magaalada Kismaayo oo lagu caleemo saarayey ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in laysla saxo hadii ay jiraan khaladaad ka dhacay doorashadii uu ku soo baxay.




Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in kaalintii hogaamineed ee uu ka filayey dawlada federaalka ah aanay ka soo bixin, isaga oo sheegay in maamul goboleedyadu ay hoostagaan dawlada federaalka ah isla markaana amaradeeda ay ku shaqeeyaan, waxaanu yidhi " Dowladda waa Waalid oo kale, Waalidka isaga ayaa laga rabaa in uu Ilmahiisa toosiyo una tilmaamo dariiqa saxa ah, Annaga waan ognahay Dowladda hadda jirta waa Dowladdeenii waan ku qasbannahay mar walba in aan la shaqeyno, ka Jubbaland ahaan waxaan diyaar u nahay in aan la hadalno, wada fadhiisanno, is qancino waxan iyo waxan ayaa qaldan leys dhaho, waana rajeynayaa in ay taasi dhici doonto’’ ayuu yidhi madaxweyne Axmed Madoobe.


Sidoo kale madaxweynaha Jubbaland ayaa ku baaqay inay wada hadal iskugu yimaadaan dhinacyada ku kala aragti duwan arimaha siyaasiga ah isla markaana ay wada jir u hirgeliyaan wixii lagu heshiiyo "Meeshan lama kala maarmo waa leysku qasban yahay, waan in la wadahadlo oo leysku yimaado, laga shaqeeyo danta Umadda, haddii ay taasi dhicin meesha aan u socno ee ah dowladnimo la wada-leeyahay lama gaari doono’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay.


Mar uu ka hadlayey sababaha keenay inay ka soo horjeedsadaan dawlada federaalka ah ayaa waxa uu yidhi "Dhanka kale wuxuu sheegay in dowladda ay ka soo horjeestaan ay sababteeda leedahay isla Dowladda Dhexe ee Federaalka isaga oo yidhi "Inaan caaq noqono iyagaa sababi kara ,labad ilmood ee aad dhashay haddii sidan iyo sidan kala tiraahdo adaa wax walba isaga dhiga kara ",ayuu intaa ku daray.

Loading...
Loading...