Somaliya Oo Diiday Inay Kamid Noqoto War-saxaafadeed Lagu Cambaaraynayo Turkiga
Dawlada Somaliya ayaa ku gacan saydhay inay kamid noqoto warsaxaafadeed uu soo saaray Ururka
Jaamaacada Carabta oo lagu cambaaraynayo howlgalka uu Turkigu ka wado gudaha
Syria.
Sidoo kale waxaa bayaankan ka horyimid dowladda Qatar oo iyana iska diiday inay ka mid noqoto Warsaxaafadeedka ka dhanka ahaa Turkiga.
Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida u dhow u taageero dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, isaga oo mashaariic kala duwan ka fuliya magaalada Muqdisho
Waxa kale madaxda iyo shacabka Turkiga lagu xasuustaa, sida ay sanadihii ugu dambeeyey u garab istaageen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Loading...
Loading...