Haddii Cashuurta Qaali Lagaga Dhigo Ganacstada, Dadka Danyarta Ah Ayay Ka Jarayaan"

0
Wednesday March 20, 2019 - 14:26:26 in News by
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Cashuurta Qaali Lagaga Dhigo Ganacstada, Dadka Danyarta Ah Ayay Ka Jarayaan"

    Haddii Cashuurta Qaali Lagaga Dhigo Ganacstada, Dadka Danyarta Ah Ayay Ka Jarayaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii Cashuurta Qaali Lagaga Dhigo Ganacstada, Dadka Danyarta Ah Ayay Ka Jarayaan"



Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana mid ah Guddida Dhaqaalaha ee Golaha kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa ku baaqay in Shirkadda DP World, Ganacstada iyo Xukuumadda, looga baahan yahay inay meel dhexe ay iskugu yimaadeen, oo ay si fiican u xaliyaan khilaafka ku saabsan dhinaca Cashuurta, waxaanu tilmaamay in haddii Cashuurta lagu kordhiyo Ganacstada inay iyana ku kordhinayaan Dadka.



Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Labada dhinac waa inay isku soo dhawaadan, DP World inay lacagteena dalaciso maaha, si dadkeena danyarta ah ee jilaalka iyo dhibaatooyinku haystaan aan wax loogu dalicin, waxaana leenahay DP World adiga ayaa wadan qaniya ka soo jeeda ee dulqaado, oo DP World waa Imaraadka, mana ah inay DP World dadka iyo dadka is nacsiiso, ee dulqaad baa looga baahan yahay, haddii Cashuurta qaali lagaga dhigo Ganacstada, waxa hubaal ah inay dadka danyarta ah ka jarayso, ee waxaa loo baahan yahay in labada DP World, Xukuumadda iyo Ganacstaduba meel dhexe iskugu yimaadanā€¯


Loading...
Loading...