Imisa Xubnood Oo Ka Mid Noqonaya Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Ayaa Ilaa Hada La Magacaabay?

0
Friday October 11, 2019 - 19:31:33 in News by
  • Visits: 4601
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Imisa Xubnood Oo Ka Mid Noqonaya Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Ayaa Ilaa Hada La Magacaabay?

    Imisa Xubnood Oo Ka Mid Noqonaya Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Ayaa Ilaa Hada La Magacaabay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Imisa Xubnood Oo Ka Mid Noqonaya Guddida Cusub Ee Doorashooyinka Somaliland Ayaa Ilaa Hada La Magacaabay?


Hargeysa(HWN):-Dhismaha guddida cusub ee doorashooyinka somaliland ayaa haatan si rasmi ah u bilaabantay iyada oo la magacaabay qaar ka mid ah xubnaha cusub ee ka mid noqonaya.


Hay’addaha dastuuriga ah ee soo magacaabayo guddida cusub ee doorashooyinka ayaa qaarkood madaxweynaha u gudbiyeen magacyada xubnaha ay u garteen inay ka mid noqdaan guddida cusub.

Image result for national election commission somaliland


Gudoomiyaha golaha guurtida somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa madaxweynaha somaliland u gudbiyey magacyada laba xubnood oo sharcigu awood u siinayo inuu soo magacaabo kuwaas oo kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood).


Sidoo kale gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa isna magacaabay Xasan Yuusuf Ducaale kaas oo uu u gartay inuu xisbigiisa ku matalo guddida cusub.


Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)l ayaa dhankiisa Madaxweyne Biixi u gudbiyay xubinta uu ugu tallo galay inay ka mid noqoto guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka.


Inkasta oo xisbiga Waddani aanu shaacin xubinta cusub ee gudoomiye Cirro gudbiyey hada wararka ayaa xaqiijiyey in Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar uu yahay masuulka xisbigu gudbiyey.


Dhinaca kale madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa laga sugayaa inuu soo magacaabo sadexda xubnood ee sharcigu awooda u siiyey isla markaana u gudbiyo golaha wakiilada si ay masuuliyadooda uga gutaan.

Loading...
Loading...