La kulankii Garsoore Axmed-Deeq
Aniga iyo Axmed-Deeq si lama filaan ah ayaanu ugu kalannay goob laga qaxweeyo.Markii aragtidiisu meel fog iiga bidhaantay, ayaa su'aalo badan oo aan wakhti u waayey maankayga kasoo burqadeen,anigoo isla maqan oo ku mashquulsan kala xulanaya su'aalaha iyo nabdaynta,tee baad horreysiisaa,ayaan arkay gacan igu soo maqan,salaan kal iyo laab ah ayaannu gorodda isgelinay.Kuraas si qurxoon loo dhigay iyo miis bilicsan ayaannu ku dingiigsannay.Laba koob oo shaah ah na waxaannu ka dalbannay wiil shaqaale ah oo makhaaayadda hadba dhan u dhexmushaaxayey.Dabadeed waxaannu galnay badweyn u baahan dabbaaljoogteyn.Mawjado iyo hirar is barkan ayaannu kolba mid xeelad kaga gudubnay.Maannu hafanne,xataal aan waannu dul sabbaynaynaa,idinkana ma rabno in aad hafataan oo naga hadhaan.Haddaba si aynu u wada badbaadno,bal aynu gaar isu la baxno oo aan iskiinbaro Axmed Jaamac Cabdi (Axmed-deeq)
Axmed wuxuu ku dhashay 1980- kii magaalada Burco gaar ahaan Xaafadda Oktoobar.Waxbarashada wuxuu ka bilaabay Gobolka Togdheer.2001 ayuu Dugsiga Jamaal Cabdinaasir ka baxay.Wuxuu u wareegay Dugsiga sare ee Shiikh Bashiir Secondry School Burao.Dabayaaqadii sannadkii 2005 ayuu iskuulkaa ka qalinjabiyey.Wuxuu na ka mid noqday dufcaddii labaad ee ka baxda Dugsiga Sh.Bashiir.
Axmed wuxuu shaqada Garsoorka bilaabay 1996-kii oo ahaa xilli adag.Agab isboorti si lagu heli karaayey ma jirin.in ciyaaraha la iska daayaana,gar iyo daw mid na ma ahayn.Nin waliba xeelad iyo xarfad ayuu adeegsaday oo duruufahaa ku xeeran Ciyaaraha kaga dabbaashay.Axmed-Deeq wuxuu kaadhka Jaallaha iyo ka guduudan "Yellow card and red card"kasamaysa jirey caagad si uu ugu kala hago ciyaarta.Wuxuu siidhiga la afuufo ka dhigan jirey foodhi.Axmed-Deeq wuxuu hindisay fikradda danbaska,taas oo ahayd fikrad qumman,balse dadka qaarkood aanay fahmayn xilligan casriga ah ee aynu joogno.Waxaa Garoonka kubbada xarriiqihiisa la marin jirey dambas,kaas oo muujinaya in kubbadu baxday iyo in ay halkii loogu talagalay ku sugan tahay;xilliyadii danbe nuurad cad ayaa ba la adeegsan jirey.
Sannadihii u dhexeeyey 1996-1997 Axmed-Deeq wuxuu qaban jirey tartanno isaga u khaas ah oo lagu magac dhabi jirey"Axmed-Deeq Cup"tartannadaas lacag ayaa la dhigi jirey,kooxda ku guulaysata koobka lacag ayaa la guddoonsiin jirey.Cabdiqani X.Oktooar ayaa is na kol kol tartannadaa la furan jirey.Ma najirin Wasaarad ay hoos tagaane,iyaga ayey u khaas ahayd.Tartannadaasi waxay ahaayeen tartanno xiise iyo xamaasad leh oo xitaa dadka ganacsatada ahi ku sharadtami jireen, lagu na kala dhigan jirey Baabuur,Qoryo iyo lacag caddaan ah.
Xilliyada qaar wuxuu dhigi jirey koob la odhan jirey "Saddex-gees" badanaa xagga Talyaaniga ayaa laga yaqaannay.Koobkaas waxaa loodhigi jirey saddex kooxood.Waa midda koobaade kooxda tartanka Ramadaanta soo qaadda,Waa midda labaade kooxda Tartanka dhibco teriska soo qaadda.Waa ta saddexaade kooxda Tartanka is aragga koobad ee lagu hadhayo soo qaadda "Neck out system"Kooxahaa nasiib ayuu u qaban jirey,dabadeed laba kooxood ee nasiibku isku beego ayaa foodda isdari jirey,kooxina way sii fadhiisan jirtey.Dhibco ayaa lagu kala qaadi jirey.xilliyada qaarna koox keli ah ayaa saddexda koob ee sannad laha ah wada qaadi jirtey,dabadeed ma suurageli jirin in la qabto tartanka.
Axmed-Deeq wuxuu ka qaybgalay shan koob oo heer gobol ah.Kuwaas oo laba kamid ah guusha ay hantiyeen halyeeyadii u safnaa Gobolka Togdheer.Axmed wuxuu Garsoore ka soo noqday 42 tartan oo Sera "A" iyo Sera "B" isugu jira.Wuxuu kale oo Garsoor ka noqday afar tartan horyaaleed oo Gobolka dhexdiisa lagu tartamay.Wuxuu kaloo Garsoor ka ahaa 34 tartan oo derejada Sera "C" loo aqoonsan yahay.
Axmed-Deeq wuxuu kaloo Garsoor ka soo noqday tartannadii iskuullada ee ay Wasaaradda Ciyaaraha Hiddaha iyo dhaqanku qaban jirtey.Tartannaaas oo iskugu jiri jirey Dugsiga sare iyo Dugsiga Hoose oo iyaguna xiise iyo xamaasad lahaa,isla markaana ahaa kuwo ardayda midaynayey,bulshaduna ay isku dhexgelaysay.
Axmed-Deeq wuxuu Garsoor ka soo noqday munaasibad sharafeedyo heer caalami ah iyo kuwo heer Gobol ah oo maalmo cayiman la qaban jirey.Waxaa la dhigi jirey koobab sharafeedyo.Maalmahaa waxaa ka mid ah; 16 June International Day of frican child, 22 March World Waterday,25 April World Malaria Day,24 March World Tuberculoses Day.World Polia Day 24 Oktober.
Waxaa kaloo jirey munaasib ama koob sharafeedyo kooxaha qaarkood intay lacag iska ururiyaan,iyagu soo iibsan jirey Koobka,dabadeed Axmed ka dalban jirey in uu Garsooro.Waxaan xusi karnaa munaasibad sharafeed kooxdii Caafimaadka (Caafi) ee labada jeer horyaalka Gobolka ku guulaysatay,kooxdaas ayaa koob sharafeed ay hore u qaadeen,dib u dhigtay,daadeed waxa ay la ciyaareen kooxdii NESCO oo iyana mar ahayd horyaal ku xigeenka Gobolka.Ciyaar xiise iyo xamaasad lahayd ayaa dhex martay,dabadeed kooxdii NESCO 2-0 ayaa laga ga badiyey.Nin markaa Garoonka soo galay oo aan ciyaarta daawanayn ayaa Tababbare Xasan-Xaguuga ku yidhi;Xasanoow koobkii miyaa lagaa qaaday,dabadeed wuxuu ugu jawaaay,Walaal awalba iyagaa sitay.Waa runtii oo heerkaas na ciyaaruhu way soo mareen oo dhaqaale la'aanta ayaa kellifaysay.
Axmed-Deeq sannadkii 2000 ayuu ka mid noqday hawlwadeenada Wasaaradda Ciyaaraha Soomaalilaan.Wuxuu ka soo shaqeeyey Gobolka Saaxil,Sanaag iyo Sool oo inta ba uu tartanno ku qabtay.Wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey Degmooyinka Ballidhiig,Oodweyne,Garadag,Caynaba,Yuroowe,Oog iyo Wadaama-goo,oo uu dhammaantood tartanno ku qabtay.
Sannadkii 2009 wuxuu qaatay koorsooyin farabadan oo garsoorka kubbada ah,qaarkood waxay ahaayeen "Basic referee Course" iyo qaar caalami ah oo si dad ban uu uga qaybgalay sida kuwa ay soo qabanqaabiyeen "Fifa international refeering course Somalia" iyo tababar ay soo qabanqaabiyeen Confederation of African Football "CAF"oo masuul ka tirsani tababar u furay,abaalmarino kala duwan lagu guddoonsiiyey.
Axmed-Deeq mar aan wax ka weyddiiyey ciyaarihii ugu adkaa ee uu garsooro wuxuu ii sheegay inay ahaayeen; Caafi VS STC,Caafi Vs Nesco,Dawladda Hoose Vs Caafimaadka,Booliska Vs Qaran, Booliska Vs Caafi,Shiraaqle Vs Arsenal,Ilays Vs Ufo,STC vs Fayfka,Dayax Vs Fayska,Wakaaladda Biyaha Berbera (BBB)Vs Dekedda,Dayax Caynaba Vs Daallo Caynaba.MDX Vs Horseed (Farasiis) SYCD Vs Kulmiye,Somtel Vs Iftin,Cigaal Vs Nigeria. IWM
Axmed-deeq mar uu ka sheekaynayey garsoorka kubbada wuxu yidhi; Garsoorku waa sida Qaaddi maxkamad fadhiya.Waxaa isu la kaa imanaya laba kooxood oo aad dhex u noqonaysaa,qaar ayaa marka laga badiyo cadhoonaya oo adiga kugu soo jeesanaya.Garsoorka maxkamaddu wuxuu haystaa ciidan gaashaaman iyo maxbuus xidhan oo la xukumayo ama dad shicib ah oo u hoggaansan waxa sharcigu farayo,balse anagu maxbuus aannu xukumaynaa ma jiro,koox dhan ayaad u babbac dhigaysaa,adigoon cidna ku xad gudbin oo dhexdexaad iyo daacanimo ku hagaya ciyaarta,ayaa daalac laguu raacayaa.Axmed isaga oo hadalka sii wata wuxuu ka sheekeyey waxyaabihii ka yaabiyey.Maalin uu la kulmay nin Tababare ah oo koox wata,kaas oo ka dalbaday in ciyaarta berri dhici doonta Garsoorku in uu u xagliyo.Axmed waxa uu ugu jawaabay; Walaal anigu saddex yeelimaayo.Waa midda koowaade Ilaahay been u sheegimaayo,Waa midda labaade taarabuunka collaysanmaayo.Waa midda saddexaade,idinka na waxba idinka qaadanmaayee ina kala kaxeeya.
Axmed-deeq mar aan wax ka weyddiiyey xeerarka caalamiga ah"International Low of Football"-ka iyo xeer hoosaadka waddamada adduunku qortaan,wax ma idiinka diyaarsanaayeen? wuxuu si fudud ugu jawaabay,walaal xeerarka caalamiga ah ee kubbadu waa kuwo waajib ah oo adduunweynuhu isla qaateen,balse xeer hoosaadka kubbada waa lagu kala duwan yahay.Waddankastaana isaga ayaa u xor ah wixii uu xeer ka dhiganayo.Xilliyadii hore ma jirin xeer hoosaad la isku waafaqsan yahay oo Soomaalilaan ka hirgalay.Annaga ayaa qoran jirney,waxaanu xeer hoosaadka tartannada iyo anshaxmarinta ciyaartoyga ka saxeexi jirnay Tababaraha kooxda,dabadeed sharcigaas aanu qornay ayaanu ku kala saari jirney.
Gasoore Axmed-deeq waxa kale oo ka sheekeeyey dhacdo uu xasuusteeda weli aanu illaawin.Wuxuu yidhi waxaan filayaa in ay ahayd dabayaaqadii sannadkii 2003.Laba kooxood ayaa wada ciyaarayey.Koox ka mid labada kooxood aqoon uma lahayn "Offside"-ka.Tuush ayey kubbadu u baxday,dabadeed Offside ayey ka baxeen.Kubbaddii ayaa nin ka mid ah ciyaartoydu cidla ka qaatay oo shabagga si xarrago leh u dhigay.Kooxdii dhammayd ayaa aniga igu soo carartay iyagoo ku andacoonaya waa Offside,waa Offside.Dabadeed waxaan u sheegay in aan tuushku Offside lahayn.Halkii ayey ku hadheen!
Axmed-Deeq waxa kale oo uu ka sheekeeyey dhacdo iyana xilliyadaa ku dhaw.Koox ku soo gashay Laba iyo toban ciyaartoy,dabadeed markii ciyaartii bilaabantay ayuu arkay hal dheerida kooxda.Axmed-Deeq wuxuu ku dhigay rikoodhe (Penelty)dabadeed rikoodhihii ayaa la dhaliyey,kooxdiina wuxuu ku amray in ay iska saaraan ciyaartoyga dheeraadka ah,balse ciyaartoygii ayaa la dooday iyagoo leh; Axmedoow kooxda kale na haku soo darsadaan mid dheeraad ah!
Garsoore Axmed-Deeq mar aan weyddiiyey su'aal ahayd ma jirtaa cid aad xagga Garsoorka kaga dayan jirtey? wuxuu iigu jawaabay,sida aan qabo garsoorku waa caddaalad,eex la'aan,shuruuc,ka fiirsasho iyo go'aan qaadasho.Ma qabo in la iskaga daydee,balse haddii aad i wayddiisay waxaa jiray nin Talyaani ah oo aan garsoorkiisa jeclaa oo la odhan jirey Perluigi Collina.
Garsoore Axmed-Deeq mar aan wax ka weydiiyey Vedeo Assistant Camera" VAR"-ta lagu soo kordhiyey ciyaaraha adduunka,wuxuu yidhi waa fikrad wacan oo caawinaysa Garsooraha.Marka uu daawado khaladka dhacay isaga ayaa go'aanka kama danbaysta ah qaadanaya,masuuliyadii loo dhiibayna laga ga ma daba iman,waa indho dheeraad ah oo kuwaagii lagu kabay.Walow xagga quruxda ay ka qaadayso ciyaarta,waayo iyadoo sikinno dhan socotay ayaa la qabanayaa goor xeedho iyo faldhaal kala dheceen.Xilliyadii hore anagu ba marka shaacu madoobaado waxaannu goolka dabadiisa taagi jirney laba ruux iyadoo calanwalayaashuna bartooda joogaan,labadaa ruux ayaa naga caawin jirey haddii gool dhasho iyo haddii khalad aanaan arkaynin uu dhaco,halka "VAR"-tu ku jirto ayey noogu jireen.Waxaana habboon in haddii ay hirgelayso Soomalilaanna laga hirgaliyo.
Kolba sidii ay sheekadii iyo xasuusihii aannu u dhexjibaaxaynay ayaannu is aragnay annagoo xeeliga badda taagan.Ma xasuusto goor shaaha wiilkii aannu u diranay noo keenay,ma na xasuusto goortii aannu fiiqsannay.Koobab madhan oo na horyaalla ayaannu goor danbe aragnay,waxaan xasuustaa anagoo fadhigii ka kacnay oo midkaayaba jihadii ku toosnayd cagta saaray.Halkaas ayuu noogu soo gebogeboobay kulankii lama filaanka ahaa.
WQ:Axmed Cali Dirir
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!